Kim Jong-un “batoonka laga ridayo gantaalka Niyukliyerka waxa uu marwalba saaran yahay miiskeyga”

Pyongyang (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa sheegay in in keebka laga rido hubka Niyukliyerka uu saaran yahay miiskiisa waxana uu u digey dowlada Maraykanka in uu leeyahay awood uu ku gaaro guud ahaan dalka Maraykanka.

Isaga oo jeedinayay khudbadda sanadka cusub ayuu sheegay in batoonka laga ridayo gantaalka hubka nuyuukleerka uu markasta ku dheganyahay miiskiisa, islamarkaasna uu riixi karo markii uu doono.

Waxa uu intaas ku daray in gantaalada ay gaari karaan meel kasta oo Maraykanka ka mid ah.

Balse waxa uu Kim Maraykanka u fidiyay wax lagu tilmaamay caleemo qoyan, isaga oo soo jeediyay in ay wadahadalo furan galaan labada dal.

Kim oo taleefishinka dalkiisa ka jeediyay qudbad ku aadan sanadka cusub ee 2018 ayaa hase ahaatee waxa uu sheegay in uu diyaar uyahay in uu wadahadal lagalo Koofurta Kuuriya.

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn.

Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi. Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang, taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.

Markii ay wariyeyaasha weeydiiyeen Trump in uu ka jawaabo hanjabaadda Kuuriyada Waqooyi ayuu yiri “Hagaag, waan arki doonaa”.

Kim ayaa sheegay in ay horumar weyn ka gaareen barnaaamijka hubka Nuyuukleerka, balse waxa uu qirtay in talaabooyin yaryar ay u dhimanyihiin in ay gaaraan halkii ay rabeen.

Ninka lagu magacaabo Youngshik Daniel Bong oo ka tirsan mac-hadka Yonsei, waxna ka dhiga culuumta daraasaadka Kuuriyada Waqooyi ayaa BBC-da u sheegay in hadalada Kim ee ku saabsan Kuuriyada Koonfureed ay ka dhiganyihiin isbadal weyn oo xagga siyaasadda ah oo uu la yimid.

Waxaa la sheegay in laga yaabo in culeyska cunaqabataynta saaran dalkaas ay ugu wacantahay in hadda xiriir wanaagsan lala yeesho Kuuryada Koonfureed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com