Imaaraatka oo kufashilmay weerarkii shirqool-siyaasadeedka ahaa!

HORDHAC/GOGOL-DHIG: Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. AFEEF Ugu horeyn; waxaan rabaa in aan cadeeyo in qoraalkan aan kusaleeynayo taleefankii uu taliyaha NISA ee gobolka Banaadir ugu sheegay senator Cabdi Qeybdiid, in ciidanka sooweeraray yihiin “Ciidamo Imaaraatka sootababareen” sida Cabdi Qeybdiidba shirkiisii-Jaraa’id kusheegay, iyo guud ahaan aqrinteeyda iyo fahamkeeyga waxa socda, iyo jawiga siyaasadeed ee dalka kajira. Waxaa dancan jiridoona baaritaan dowladeed, kaasoo lagayaabe in shacabka lalawadaago waxa kasoobaxa, ama qeyb kamid ah oo kaliya, iyadoo la ilaalinayo danaha qaranka Soomaaliyeed, ileyn siyaasada laguma maareeyo shucuure “emotions”. Waxaa laga yaabaa in dowladu sihoose dagaal isdifaacid ah, oo aan la iclaamin ugu qaado Imaaraatka. Waxaa sidoo kale lagayaabaa in dowladu tixgaliso, waxa kadhalankara iyo sida “Qaran-Dumiska” uga faa’ideeysankaro Imaaraatkoo dagaal siyaasadeedoo kor loosheego (Public), iyadoo dhaqaalaha Soomaaliyeed ee ugu badan Imaaraatka xoogiisu yaallo, kuwaasoo ah shirkadaha ugu waweyn, oo kuwa Xawaaladuhu kujiraan, waxbadanna inooga xeranyihiin, maadaama xarumahooda ugu waaweyn (Headquarters ) Imaaraatka yihiin, iyo xaalada burbur kasoo kabasho ee aan kujirno intaba.

Intaa kabacdi aqrisoow! Caqliga EEBE wuxuu inoosiiyey in aan kufikirnee, hadii dowladu weerareeyso senator Cabdi Qeybdiid oo ah gudoomiyaha guddiga dib-u-eegista Dastuurka, oo xasaanad dastuuri ah leh, maxeey ucodsaneeysey in xasaanada marka hore lagaqaado laba Xildhibaan, oo aan sida Qeybdiid looyaqaanoo kale loo aqoon? Waxbaa khaldane yaan dowlada lagu fududaan marka!

Weerarkii maalintii Sabtida, taariikhduna kubeegneyd  Disimber 30, 2017-ka ee kadhacay guriga senator Cabdi X.C.Qeyb-Diid isagoonba joogin, kaasoo eey geeysteen ciidamada Imaaraatka sootababartay, ee aan amar dowlada Soomaaliya ah kusocon, sida latuhunsan yahay wuxuu ahaa shirqool-Siyaasadeed oo Imaaraarka maleegtay, balse nasiibwanaag! Kafashilmay. Waase Allaah mahadiis in dowladu hore kafahamtay, degdegna uga hadashayoo uga jawaab bixisay.

Waxaa degdeg uga hadlay, sharcidaro ku tilmaamay, in labaaro kuwii kadambeeyeyna sharciga lahorkeeno amar kubixiyey madax uu ugu horeeyey Madaxweeynaha qaranka mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Raysalwasaaraha Xasan Cali Kheyre, wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow, taliyaha ciidamada qalabka-Sida Gen. Cabdiweli Gorod, gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqqdisho Thaabit Cabdi ……….IWM.

MUXUU AHAA HADAFKA WEERARKAA LAGALAHAA?

Sida loofasirankaro hadafka Imaaraatku kalahaayeen weerarkaa wuxuu ahaa:

A-In dowlada iyo labada aqale Baarlamaanka la isku diro, iyadoo loodirayo fariin ah, in xitaa xasaanad eeysan dowladan ku dhowreyn dhaamaantood, taasoo micnaheedu noqonayo, midkastoo iyaga kamid ah in laweerari karo, sidaa daraadeedna tahay in eey mooshinnada Imaaraatka kadhexwado eey wada saxiixaan, lacagtoodana qaataan, dowladana laridaan Imaaraatka. Ogoow! Labada aqal waa meelaha eey mooshinnada lacagaha kubixineeyso kawado Imaaraatka, illaa hadana lacagihii shaqeyn la’yihiin.

B-Wuxuu sidoo kale hadafku ahaa in “Beel gaar ah” lagu kiciyo, maadaama CC Shakuur oo eey CXC. Qeeybdiid isku beel yihiin, weerarkiisiina dowladu qaaday, balse CC Shakuur aanu laheyn wax xasaanad ah, maadaama aanu kujirin labada aqal midkoodna, waxaa fariinta weerarkan lagu gudbinayo larabay in eey noqoto, “War xitaa kiinii xasaanada lahaa lama dhaafayo!”, taasoo caadifad kicin ( emotional blackmailing) in badan oo qabyaalada lajadbeysan ugu filnaan laheyd, si dowlada loogu furo qalalaase hor leh.

Nasiibwanaag! Dowladu weey lafahamtay, tilaabooyinkii dowladnimo ee looga baahnaana weey qaaday, oo ah ugu horeyn in eey kahadasho, muujisana moowqifkeeda iyo sheegista tilaabada sharciga ah, ee xigta ee ay qaadidoonto, oo baaritaanka ugu horeeyo, iyo sharci latiigsashada kuwa weerarkaa qaaday.

CAALAMKA MAKADHACDAA SIDAN OOKALE?

Haa weey kadhacdaa. Waaba mushkiladaha lagu yaqaan ciidamada dalal shisheeye kuusootababaraan, oo aan dhaqan-celin dalka gudihiisa lagusameyn, sida dalalka qaarba sameeyaan, oo eey Pakistan kamid tahay.

Waxaa jira wadan ladhoho Ecuador, caasimadiisuna tahay: Quito, kaasoo kuyaalla koofurta qaarada Ameerica (South America) kaasoo Mareeykanku kulahaa saldhig weeynoo Military, kuwaasoo booliskooda uu Mareeykanka tababarijiray, waxkastoo qalabeyntooda ah, iyo waliba mushaaraadkoodana uu Mareeykanku bixinjiray, shirkado waaweynoo Mareeykanka ahna iskadhuuqijireen dhaqalaaha dalkaa. Waa siyaasad iyo xaalkeede wadankii iyo Mareeykan ayaa isku dhacay, waliba iyadoo Madaxweeyne uu kayahay dhaqaaleyahan shahaadada PhD-da ugasooqaatay isla dalka Mareeykanka, laguna magacaabo Rafael Correa, oo dalkaa madaxweyne ka ahaa 2007dii-illaa 2017-ka. Mareeykanka wuxuu dabayaaqadii 2010-ka ka adeejiyey ciidaankii booliska eey soo tababareen, qalalaase mudo socday illaa madaxweeynihii madaxtooyada loogu galay, oo lagu dhex afduubtay “afgambi” illaa Military-ga dalka soobadbaadiyeen, iyo xitaa shirqool dil oo wada fashilmay kabacdi, madaxweeyne Rafael Carrea ugu dambeyn wuxuu lawareegay waxkastoo Mareeykanku siinjiray ciidankaa booliska. Wuxuuna diiday in uu ucusbooneeysiiyo siijoogitaanka ciidamadii Mareeykanka dalkiisa. Marka weey dhacdaa oo taariikhda caalamka ayey kabuuxdaa, tani waa hal tusaale.

CIIDAMADA IMAARAATKU TABABAREEN MAXAA LAGA YEELAYAA?

Ciidamo farabadan ayaa dalal kala duwan qarankeenu usoo tababareen duruufaheena darteed, balse waxeey dhamaan ka amar-qaataan dowlada loowada dhanyahay ee Ummadeena Soomaaliyeed. Dhowr mar ayaa hadalo kasoonoqdeen ciidamadan Imaaraatku tababareen cida eey ka amarqaadan doonaan. Illaa safiirka Imaaraatka xafladii qalin-jabintooda si cad usheegay, in eey dowlada Soomaaliya ka amar-qaadan doonaan, isagoo dabcan guuxa jira markaa kajawaabayey.

Weerarkii guriga C.XC Qeybdiidse waxbadan ayuu kafashiliyey Imaaraatka, nasiibwanaag! iyadoon Senatorka gurigiisa joogin, dhimashana jirin, dowladana shirqoolka fashilmay hore kafahamtay, sooqabatay saraakiishii iyo ciidankii weerarka geystey, madaxda dalkana Villa Soomaaliya kuqaabishay Qeybdiid, in bandanna gurigiisaba ugu tageen.Waa Allaah mahadiis.

TALO SOOJEEDIN (Recommendations)

Waxaa dowlada lahabooon in eey ciidamadan Imaaraatku tababareen halista kasoo socota si degdeg ah uga hortagto, iyadoo arimahan soosocda sameeyneeysa, dabcan baaritaan hufan kabacdi, iyo hadii eey cadaato ku lug lahaashaha Imaaraatka ciidamadan weerarka qaaday.

1-in ugu horeyn eey sharciga si xoogan (To the full force of the law) ula tiigsato taliyihii ciidankaa watay, iyo guud ahaan ciidankii weerarkan geystay, kadib marka lagu cadeeyo.

2-In eey ciidankaa Imaaraatka sootababartay ama ciidamo kala duwan kukala darto, ama taliyayaal aaney Imaaraatka sootababarin ukala dhiibto, xerooyinkalena urarto.

3-Waxkastoo taakuleyn ah oo Imaaraatku siinjireen lagajaro, hadii gudaha laga bixinkarana gudaha lagabixiyo, hadii awoodu diidana Turkiga looga raadiyo taakuleyn sababeeysan.

4-Waxa eey soowadaan ayaa kadare waa in laqaado tillaabo kastoo lagu yareynkaro ama gabi ahaanba lagujari karo saameynta Imaaraatku ku yeelankaraan kuwii hore eey usoo tababareen.

5-Waa in dowladu gabi ahaanba joojisaa waxkaloo tababaris ciidamo hor leh oo Imaaraatku inoo tababarayaan, waa hadii baaritaan kabacdi cadaato lugta eey ku lahaayeen weerarkii dhacay. Wabillaahi Toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid