Wasiir Maryan oo dadka shacabka ah uga digtay hal arrin oo saameyn weyn ay ka dhalan karta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Somalia Maryan Aweys Jaamac ayaa si kulul uga hadashay dadka caadeystay inay qashinka ku daadiyaan Xeebaha dalka.

Wasiir Maryan ayaa dadkaasi ku eedeysay in qashinka ay kasoo fogeeyan guryahooda isla markaana usoo fogeeyan Xeebta, waxa ayna talaabada noocaasi ku sheegtay mid nasiib darro ah.

Maryan waxa ay dadka shacabka ah ee ku nool eeryada Xeebah ugu baaqday in ay ilaashadaan degaankooda, waxa ayn xusuusisay in dhibaatada ka dhalata qashinkaas ay dhibaato u geysan karto.

Dadka waxa ay ugu baaqday in wasaqda laga ilaaliyo xeebaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dhibaatada ugu sukeysa ee ka dhalaneysa ay tahay Hawada oo wasaqeysan.

Dhinaca kale, Ciidamada ayey ugu baaqday inay ka hortagaan dadka haleynaaya Xeebaha waxa ayna soo jeedisay in sharciga lala tiigsado dadka ceynkaasi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com