Fartaag oo madaxda ugu sareysa dalka uga digay inay ka aamusaan arrinta ay waddo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator C/lalahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa ka digay in Madaxda ugu sareysa dalka ay ka aamusaan xadgudubka ay dowlada Kenya ku heyso dhulka Somalia.

Senator Fartaag ayaa sheegay in aamusnaanta Madaxda ugu sareysa ay keeni karto micnooyin kale, waxa uuna ku baaqay in xili hore laga hadlo Soohdinta ay Kenya marineyso Gedo.

Senator Fartaag ayaa dowlada Kenya ku eedeeyay in Soohdinta ay marineyso Gedo ay kula soo simeyso Badda ay Soomaaliya kula dacwootay.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in xiliga lagu jiro aysan aheyn xili ku fiican aamusnaanta waxa uuna dhaliil ka keenay sida ay DFS iyo maamulka Jubbaland isugu tuurtuurayaan arrinka Soohdinta.

Waxa uu intaa raaciyay in isku tuurtuurka labada dhinac ay ka faa’iideysaneyso dowlada Kenya, waxa uuna madaxda dowlada ka dalbaday in aysan sheeda ka daawan shacabka dhagaxaanta la hor taagan Ciidamada hubeysan ee Kenya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in horay Kenya ay Soomaaliya ugu qabsatay dhul, baddii qayb ka mid ahna ay sheegatay, haatana ay usoo xeed-xeedatay sidii dhul horleh u qabsan laheyd.

Dhinaca kale, Senotar-ka ayaa ku baaqay in dhexda loo xirto sidii Kenya dalka looga dhicin lahaa boobka ay ku heyso sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com