Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay go’aankii Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay ku dhawaaqday inay aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalka, kadib markii ay shir deg-deg ah isugu yimaadeen golaha wasiirada maamulkaasi, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Deni.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskadey qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland.

Puntland ayaa horey u diidaneyd sida ay Villa Somalia u wado wax ka beddelka dastuurka, ayada oo ka digtay wixii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka, xilli hoggaankeeda uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka kasoo baxay Puntland?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si aan caadi ahayn uga falceliyay go’aanka Puntland oo ku dhowaaqday inay u dhaqmeyso sida dowlad madax bannaan oo kale, sida ay ku sheegtay bayaan culus oo ay xalay soo saartay.

Aweys Xasan: “Nin dano qaas leh oo tuulada Garowe isku so xiray cid uma joojineyso taas ugow Somalia maanta waa dhaqaaqday wallee Saciid Deni laaluush Somalia ku siiso waa isku dhamaaday”.

Maxamed Cali: “Bal meeshaas biya la’aanta idinku ognahy masiirka Soomaaliya afduub uma heysan kartaan, caqabadda Soomaaliya inay Puntland tahay Soomaali waa aragtay”.

Maxamuud Cabdi “Madaxweyne Xasan ilaa Goorma ayaa la lahaa dalka gadaal ha ucelin?. Dawladda Puntland waxay qaadatay Go’aan saxa Republic of Puntland”.

Muna Kaamila ayaa sidoo kale waxay tiri “Horay ha loo socda oo focus ha la saaro time danbe dad aan Soomaalinimo Iyo Qaranimo rabin yaan lagu dhumin”.

Taliye Taajir “Deniyow ciyaarta naga daa oo Puntland haka dhigan Ak47 siyaasadeed oo lagu dagaalamo”.

Cabdirisaaq Axmed: “Weli wax cusub kuma arag qoraalka intaan waa intii aan wada naqiinay uun”.

Farxaan Qorane ayaa isaguna ku yiri fal-celintiisa “Somaliland baa ka dhaw Puntland horaa u ogaaa taasi!”.

Zakariye Cali Dayib: “Odayaal waaweyn oo marwalbo caraysan, marwalbo oo laga xanaajiyana garanaya kaliya ereyga ” waan goosaneynaa”.