Falcelin aan caadi aheyn oo ka dhalatay arrin cajiib ah oo uu sameeyay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si kadis ah ku tegay suuqa cusub ee Jubba Hypermarket oo ku yaalla isgoyska Jubba, taasi oo ay ka dhalatay fal-celin xooggan.

Madaxweynaha oo markaas kasoo laabtay booqasho uu ku tegay hoyga Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ku yaalla Mirinaayo ayaa wax waddo ah loo xirin, ayada oo dad badan oo goor dambe ku baraarugay ay la yaabeen.

Madaxweynaha ayaa si kalsooni badani ku jirto salaan gees uga soo bilaabay dadkii joogay suuqa iyo kuwii fadhiyay maqaayadaha ganacsi ee ku yaalla aagga suuqa illaa sigoyska Jubba.

Sida caadada ah markii la joogo Muqdisho, hadii uu madaxtooyada ka baxayo madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha waxaa la xiraa jidadka aagga uu u socdo iyo aagga madaxtooyada, balse xalay taasi ma dhicin oo waxaa jidka isla marayey gaadiidka shacabka iyo kan wada kolonyada madaxweynaha.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdullaahi Yare Cabdi: “Mahadsanid mudane madaxweyne, waxaad shacabka Soomaaliyeed tustay in Muqdisho amni la isku haleyn karo ka jiro.”

Bashiir Sheekh Cabdi: “Guul baan kuu rajeynayaa Mudane Madaxweyne laakiin Muqdisho oo la isku sawiro macno soo kordhin mayso ee ballanqaadkii umadda Soomaaliyeed ay kaa sugayeen ayaa lagaaga fadhiyaa dalka oo xor ah, weliba dalka meesha uu ka dhismo waa ciidanka ee ciidanka tayeey oo u xul qofkii hogaamin lahaa.”

“Madaxweynaha daacad wuu yahay ee kuwa la shaqeeya ayaa hagar daamo ku wado, Soomaali waligeed dowlad ka dhalaan mayso sababta oo ah waa dad aan dowladnimo daacad u aheyn,” ayuu yiri Saabir Soofe Saabir.

Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi: “Booqashadaan yaysan noqon tii Mahad Salaad oo kale suuqa bakaaraha ku yimid oo bil kadibna la bur-buriyay goobihii uu booqday.”

Cabdinaasir Bootaan Cali ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa wax lagu farxo iney badato booqasha Madaxweynaha inuu kasoo dukaameysto goobaha nuucaa oo kale ah, sababtoo ah indhaha bulshada Soomaliyeed ee daafaha dunida jooga wax weyn ayey u tahay.”

Bashiir Macalin: “Soomaalidu waa dad madaxdooda jecel laakiin madaxdu u ma roona shacabka, taasi waa midda keentay kala shakiga u dhexeeya shacabka iyo kuwa hogaamiya.”

Shoobare Siyaad Siciid: “Adiga madaxweyne Muqdisho amniga ka dhigay ee iskama imanine inta dhimana Allah ha kula garab galo.”

“Aaway suuqii hoobiyaha lagu garaacayey shalay kuwa ayaa mudna,” ayuu yiri Waceys Xasan oo ka fal-celiyay tallaabada uu xalay qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.