Falcelin niyad-jab iyo lama filaan u muuqata oo ka dhalatay tallaabadii Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyay xukuumaddiisa, taasi oo saameysay laba wasaaradood oo keliya.

Wasiiradda wasaaradda beeraha iyo waraabka iyo wasaaradda howlaha iyo guryeynta ayuu ra’iisul wasaaraha xilka ka qaaday, halka uu u magacaabay wasiiro cusub. Taasi oo ay ka dhalatay fal-celin niyad-jab iyo lama filaan u muuqata oo bulshada Soomaaliyeed uga dareen celiyeen tallaabada uu maanta qaaday ra’iisul wasaare Xamza.

Caasimada Online oo indhaha la raacday fal-celinta ay bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen markii wareegtadan lasoo dhigay bogga Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa qaarkood ku noqotay lama filaan maadaama ay dadka baddi ka sugayeen Xamza in uu buuxiyo wasaaraddo muhiim ah oo illaa hadda bilaa wasiir ah.

Wasaaraddaha muhiimka ah ee wasiirka laheyn ayaa ah illaa saddex wasaaradood oo kala ah;

  1. Wasaaradda Amniga
  2. Wasaaradda Arrimaha Dibadda
  3. Wasaaradda Haweenka, oo AUN ay ka geeriyootay Khadiija Maxamed Diiriye.

Hoos ka aqriso fal-celinta ka dhalatay arrintaan;

Cabdicasiis Aadan: “Ra’iisal Wasaare xilalka dalka muhiimka ah maxaad u magacaabi la’dahay wasaradaha amniga iyo dibadda?!.”

“Isku shaandhayn oo aan boosaskii wasiirada amniga, arrimaha dibadda iyo haweenka aan la buuxin,” ayuu yiri Axmed oo sidoo kale ka fal-celiyay arrintaan.

Maxamed Xalaale: “Kuwa banaan buuxi intaad kuwo xilka ka qaadaysid.”

Xamdaan Xiddig ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Waxba maaha labo wasaaradood oo caantayn ah oo la isku beddelay aaway wasaaradihii muhiimka ahaa ee banaana arrimaha dibada iyo amniga qaranka.”

“Wasiirrada qoondada meeye mise Xasan baa ku fadhiya Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka?,” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil.

Cabdirisaaq Khaliif: “Wasaarada arrimaha dibadda iyo tii amniga oo dhawrka bilood bilaa wasiirka ah, maxaa wasiir loogu magacaabi wayay waliba xilligii loogu baahida badnaa baa la joogaa mise madaxwaynaha ayaa wasiirka arrimaha dibadda shaqdiisa qabanaya.”

Cabdalla Xaaji: “Wasaaradaha amniga, dibadda iyo haweenka ma madaxweyne Xasan Sheeh ayaa soo magacaabayo, ra’iisul wasaaraha yar yarka lee miyaa.”

Xareed Bishaar Maxamed: “Labadii wasiir ee Daaroodka ma Xasan baa is leh Deni kula gorgortan?.”

“Isku shaandheyn aan wasaaradaha bannaan la buuxin doonin maxaa waaye?,” ayuu yiri Daa’uud Cabdiqaadir Aadan.