Falcelin weyn oo ka dhalatay falkii ay Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh

Addis Ababa (Caasimada Online) – Falcelin xoogan iyo caro ayaa ka dhalatay falkii ay dowladda Itoobiya kula kacday wafdigii uu hoggaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh ee ka qayb-galayay shirkii Midowga Afrika ee Addis Ababa, kadib markii ciidamada ammaanka ee dlakaas ay isku daydaeen inay madaxweynaha ka baajiyaan shirkaasi, iyaga oo u dhigay caqabado badan, balse uu ka gudbay.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka hadlay hor-istaag ay ciidamada amniga Itoobiya ku sameeyeen isaga iyo madaxweynaha Jabuuti markii ay gudaha u gelayeen hoolka shirka madaxda Midowga Afrika uu ka dhacayey.

“Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ficilka guracan ee Itoobiya uu u wiiqayo xasiloonida gobolka, iyadoo Itoobiya ay falkaas kula kacday madax kale oo shirka ka soo qeyb galay,” ayuu yiri agaasime Cabdulqaadir Dige.

Dhankeeda dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay arrintan, ayada oo si kale u dhigtay habka ay wax u dhaceen.

“Wafdiga Soomaaliya waxay diideen in la siiyo ciidanka amniga ee dawladda. Intaa waxaa dheer in ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay isku dayeen in ay xarunta Midowga Afrika la galaan hub, taasna waxaa is-hortaagay ciidanka ammaanka ee Midowga Afrika. Itoobiya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato deriskeeda,” ayey tiri dowladda Itoobiya.

Haddaba sidee looga faceliyay xad-gudubka Itoobiya?

Ismaaciil Sayid “Ethiopia ciidankeeda waddanka haka baxaaan waxaan aheyn kuma qanacno, safiirkeedana hala buriyo”

Mukhtaar Macallin “Arimaha dibada kuma fiicnid Hasanow been ma sheegi kareynee”.

Xasan Maxamed “War ma rabno go’aan cad la imaada in ciidanka iyo safaradaba 48 saacadood haloo qabto canaasiirta.”

Cabdisalaan Nuur “Hoolka waan gali waayay kulahaa? adeer Xasan miyaadan madaxweyne aheen waa sidee?”

Maxamed Cabdi “Mudane dowladda dadka wax ka siiyo oo koraasta golaha wasiirada dhiman soo dhamaystir madaxweyne safarada aad galayso muddane kafiirso”.

Axmed Xaaji Abshir “Madaxweyne jileeca iga daa, Allaha ku sharfee”.

Mukhtaar Cabdiraxmaan Taakow “Dowladda waa in ay go’aan wanaagsan kasoo saartaa Ethiopia”.