Itoobiya oo war yaab leh soo saartay kadib carqaladeyntii ay ku sameysay madaxweynaha

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa jawaab ka bixisay carqaladeyn iyo ishortaag la sheegay inay ku sameysay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee shalay ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis-Ababa.

 Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrmaha dibedda Soomaaliya ayaa shalay lagu yiri “Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, uguna sii daran’e’, dhammaan dhaqamada aas-aasiga ah ee Midowga Afrika. Hab-dhaqankani waxa uu ku biirayaa liiska sii kordhaya ee falalka gurracan ee ay ku kacaysay dawladda Itoobiya muddooyinkii u dambeeyay.”

Si kastaba dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda si kale u dhigtay habka ay wax u dhaceen.

“Xukuumadda Itoobiya waxay si diirran u soo dhoweysay madaxweynaha Soomaaliya, ayadoo la siiyey xushmad buuxda oo ah tan la siiyey dhamaanba madaxda u yimid shirka Midowga Afrika. Maadaama aan nahay dalka marti galinaya, xukuumadda Itoobiya waxay mas’uul ka tahay amniga madaxweyneyaasha iyo madaxda dawladaha inta ay dalka joogaan,” ayey tiri dowladda Itoobiya. 

“Wafdiga Soomaaliya waxay diideen in la siiyo ciidanka amniga ee dawladda. Intaa waxaa dheer in ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay isku dayeen in ay xarunta Midowga Afrika la galaan hub, taasna waxaa is-hortaagay ciidanka ammaanka ee Midowga Afrika. Itoobiya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato deriskeeda,” ayey tiri Itoobiya.

Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay madaxweynaha ku xujeysay in ciidankiisa laga reebo, iyagoo sheegay inay ku darayaan askar Itoobiyaan ah oo amnigiisa sugeysa, kuwaas oo geynaya howlka shirka lahu qabtay.

Xasan Sheekh ayaa diiday in ciidankiisa laga reebo oo askar Itoobiyaan ah uu raaco, iskuna aamino, wasiir Cali Balcad wuxuu sheegay in go’aanka Itoobiya uu ahaa in madaxweynaha Soomaaliya laga baajiyo shirka.

Madaxweyne Xasan oo go’aansaday in markii uu khudbadiisa jeediyo ka soo dhoofo Addis Ababa ayaa inta uusan soo bixin kulan gaar ah la yeedhay guddoomiyaha Midowga Afrika Muse Faki Mohamed, isagoo ku dacweeyey Itoobiya, una sharaxay caqabadihii maanta la hor dhigay si looga baajiyo shirka.

Intaas kadib wafdiga madaxweynaha ayaa si nabad ah uga soo dhoofay garoonka Addis Ababa, wuxuuna gabal-dhicii shalay nabad yimid Muqdisho.