Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo ay xalay qaaday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Facelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo ay xalay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay tijaabisay hub waa wayn oo si xoogan looga dareemay xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kahor tijaabada hubkan ayaa waxaa ogeysiis soo saaray laamaha amniga oo wargeliyay shacabka inuu jiro hub loo ridayo si tijaabo ah, ayna u dul qaataan dhawaqa hubkaasi.

“Ciidamada Amnigu waxa ay ogaysiinayaan Shacabka Caasimadda in uu jiridoono tijaabo hub, sidaas awgeed haddii aad maqashaan dhawaqa hubkaas wax dhib ah majiraan” ayaa lagu yiri farriin kasoo baxday laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Hubkan oo xalay si weyn looga dareemay gudaha caasimada ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid cusub oo ay soo iibsatay dowladda, maadaama laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee muddada dheer saarnayd, taas oo u sahleysa inay soo iibsato hub waa wayn.

Haddaba sidee looga faceliyay tallaabada ay qaaday DF Soomaaliya?

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, iyaga oo ka falcelinaya hubka xalay lagu tijaabiyay magaalada Muqdisho.

Axmed Naaji Cabdalle ayaa yiri “Banaanka magaalada maa lagu soo tijaabiyo maxaa shacabka loo argagax galinaa?.

Fanaanada Xamdi Bilan oo kamid ah dadka ka falceliyay ayaa iyaduna si kaftan leh ugu jawaabtay “Sheeko bal dhanka degmada Hodan iyo dagmada Heliwaa ka ilaliya.”

Maslax Maxamed oo kamid ah dhalinyarada istcimaala baraha bulshada ayaa yiri “Qolo in lagu tijabiyo u baahan ayaaba jirtaa maa lala aado?”.

Maryan Maxamed Xuseen “Meeqo saac ayaa la tijaabinaa si dadku u fahmaan in tijaabadii hubka ee SNTV noo shegay tahay”.

Nuuradiin Xaaji ayaa ka mahadceliyay wargelinta ay soo saartay dowladda wuxuuna yiri “Waad mahadsantihin in aad noo shegtaan”.

Qalanjo Siman waxay iyaduna tiri “War Khawaarij ha lagu soo baroobeeyo yaana lagu dul ridin hubkaas is maqal ma jiraa?”.