Sawirro: Ciidanka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa Yurub oo dhoolatus ka sameeyay badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano (ATALANTA) ayaa maanta si wadajir ah dhoolatus wayn uga sameeyay xeebaha Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe lagu arkayay burcad badeed.

Labada ciidan ayaa si mideysan Layli ugu qaatay Markabka dagaalka lagu magacaabo (CANARIAS) ee dalka Spain ee jooga gudaha biyaha Soomaaliya.

Ujeedka Layligaan ayaa xambaarsanaa qaababka la dagaalanka  burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maagelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha Argagixisada.

Sidoo kale Layligaan wuxuu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeynayo ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha.

Dhaq-dhaqaaqan waxaa  hoogaaminaayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha Gaashaanle sare Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Markabka Dagaalka “CANARIAS” (F-86) Carlos CASTOSA.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo mar kale ay soo rogaal celiyaan kooxaha burcad badeedda oo todobaadkan 5 milyan oo dollar madax furasho uga qaateen Marka MV Abdullah oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ku haysteen xeebaha bari ee Soomaaliya.

Afduubkan markabkan waxaa ka horreeyay markab kale oo lagu magacaabo MV Ruen oo isna laga badbaadiyay burcad badeeda, kadib markii ay nolosha ku qabteen kooxdii afduubayaasha ahaa ciidanka badda Hindiya oo ugu dambeyn ka dajiyay dalka Hindiya.