Fallanqeyn: Mucjisadii Muqdisho iyo billowga Soomaaliyada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan

Sida looga bartay qaaradda nugul ee Africa iyo Carabta oo labadaba ay Soomaaliya qayb ka tahay siyaasad ahaan iyo juqraafi ahaanba, way adagtahay waa lagya guulaystay, gaar ahaanna doorashada. Siday qabaan xeeldheereyaasha arrimaha siyaasadda iyo cilmiga bulshaduba, inaad aqbasho guuldarradaada xilliga doorashada waxay u baahan tahay laba shardi oo kala ah geesinnimo iyo bisayl (concession defeat requires courage and maturity).

Inta badan Hoggaamiyeyaashii soo maray waxa loogu yeedho dunida sadexaad waxay ahaayeen kuwwo xukunka laga faramaroojiyey iyo kuwwo uu Malagga geeridu xilka ka xayuubiyey.

Haddaba, taariikhda Africa iyo dunida Carabta waxaa kusoo biiray buug cusub oo qoraagiisu yahay madaxweynaha Soomaaliya ee xafiiska bannaynaya mudane Xassan Sheikh Maxamud, kaddib markii ay qalbigiisa gilgileen sawaxankii dabbaal degga shacabka iyo daryanka rasaastii ay ciidamadu cirka u ridayeen, wuxuu qirtay inlaga guulaystay wuxuuna si aan laga filayn ugu dhawwaaqay inuu aqbalay guusha madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Waxaa mar qudha isbeddelay jewwiga Jamhuuriyadda, gaar ahaanna caasimadda oo ay ruxeen dammaashaadyo dabiici ah (iskood isu abaabulay) oo aan ka dhicin wixii ka dambeeyey xorriyaddii dalka, kana dhashay samaanka cusub ee Soomaaliya. Hayeeshee, ka badbadintuna waxay siyaasadda dhaxalsiisaa turin turrooyin saamayn xun ku yeesha, Soomaalidu waxay odhaah kuu sheegtay “xiiso iyo xumbo way gudhaan.”

Dhacdadaasi waxay guul u tahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna Xassan Sheikh Maxamud iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, waxayna raad ku yeelatay quluubta dadka Soomaaliyeed iyo kuwwa adduunkaba.

Inkastoo loo fahmay tallaabadaas uu qaaday inay ahayd talo uga timid ragga ay siyaasadda ologga ku yihiin, haddana waxay ahayd tijaabo uu uga baxay si xirfadaysan oo ay ku dheehan tahay isku kalsooni iyo dhiirranaan, waana mid lagu xassuusan doono dabcan.

Dhanka kale, marka laga yimaaddo jawwaabta waddaniyadda ku salaysan ee ka turjumaysay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, ee ay bixiyeen xildhibaannada labada gole ee Soomaaliyada cusub, waxaa soo ifbaxay laba shaqsi oo iyagana taariikhdu qori doonto, waa guddoomiyihii guddidada doorashooyinka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo guddoomiyihii guddida anshaxa doorashooyinka Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Labadaas shaqsi waxay kasoo jeedaan isku hal magaalo oo ku taalla Soomaaliya waxa lagu doortayna waa karti, dabcanna waxaa lagasoo dhex xushay badweyn aqoonyahanno ah oo Soomaaliyeed, iyagoo loo fiiriyey waddaniyadda iyo aqoontooda, dadka Soomaaliyeedna waxay ugu kalsoonaayeen si isku mid ah, muhiimadduna waa massiirka iyo mustaqbalka jiilalka soo socda meel bay ku hubsadeen.

Ammuurtaasi waxay dhabbaha u xaadhaysaa dhaqan siyaasadeed cusub oo ka hirgala qaaradda Africa iyo dunida Carabta ayna ka faa´iidi doonaan jiilalka soo bixi doona.

Waxaa isasoo taraya walaaca ay qabaan cadowga Soomaaliya iyo caamiliintoodu iyagoo ka fekeraya khiddaddii lagu majo xaabin lahaa Soomaaliyada cussub, sababtuna waa waxay ka filayaan hoggaamiyaha la doortay iyo dareenkii xamaasadaysnaa ee ay shacabku u muujiyeen maxsuulkii kasoo baxay doorashadan ku dayashada mudan.

Marka laga yimmaaddo fursadda la haysto iyo rajada muuqata, Soomaaliya waxaa ku abuurmi doona isbahaysiyo kaashanaya dadyow aan ku faraxsanayn jiritaanka dalkan guuldarrada kasoo kabanaya, iyagoo isku urursan doona meelo aan ka fogayn gobolka si loo hagardaameeyo dawladda cusub, sababtuna waa wixii looga bartay dawladihii soo maray.

Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhaahda “ libaax la tegista bartay ka ridistu waa ku ceeb.” Waxaa guuldarro noqon doonta inay shucuubta qaaradda Africa ee dulman iyo kuwwa Carbeed gaar ahaanna kuwwa deriska, ay cashar ka baran waayaan dib u dhalashada dheemanta dunida sadexaad.

Si kastaba, dareenka ee ay shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen hoggaanka usoo baxay Soomaaliya waa filasho xad dhaaf ah oo ka baxaad weyn awwoodda dawladda u dhalatay dal rubuc qarni guul darro ku jiray, waxaana adkaan doonta aqbaaladda wax ka hooseeya heerka laga filayo.

Wallow ay deddaallada dib u dhiska qaran ee Soomaaliya ka qayb qaadanayaan dawlado iyo ururro caalami ahi, waxaa la filayaa inay soo baxaan saaxiibo oo Soomaaliya, si hagar la’aan ahna ay u gacan qabtaan dawladda, wax walibase waxay ku xidhnaan doonaan xidhiidhka dhexmara xukuumadda qaran iyo meteleyaasha maamullada qabiilka ku salaysan.

W/Q: Axmed Gaandaa
gaandaa@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com