Xog cusub oo laga helay arrin ay isku fahmeen Farmaajo iyo Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynaha cusub Maxamed C/llahi Farmaajo ka dalbaday in il gaara uu ku eego Shaqaalaha iminka ka howlgala Xarunta Madaxtooyada Somalia.

Xasan Sheekh Maxaweynihii hore ee dalka ayaa Madaxweynaha cusub u sheegay in Shaqaalaha iminka ka howlgala Xarunta Madaxtooyada ay leeyihiin Khibrad shaqo isla markaana ay wanaagsanaan laheyd in Dowladiis ay lasii shaqeyso dadka khibrada leh.

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in Dowladiisa ay waxbadan kusoo kordhiso dalka, isla markaana dhankiisa uu diyaar u yahay inuu garabsiiyo Dowlada Cusub ee iminka shaqeyn doonta.

Xasan Sheekh ayaa Madaxweyne Farmaajo ku wargaliyay in inta badan Shaqaalaha Dowladu ay leeyihiin khibrad shaqo marka laga soo tago duruufaha ka jira dalka oo aan saamaxeynin in talaabo waliba si sahlan lagu qabto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xasan Sheekh ka aqbalay soo jeedintiisa, waxa uuna cadeeyay in Dowladiisu aysan lidi ku aheyn Hanaanka shaqo ee Dowlada balse ay doonayaan inay dardar galiyaan howlaha iminka qabyada u ah Dowlada si loo helo jawi degan iyo in dib loo soo celiyo sharciyada dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladiisu ay uruurin doonto dadka Khibrada u leh shaqooyinka Dowlada iyadoo aan loo eegeynin waxa ay yihiin waxa uuna ballanqaaday in Dowladiisu aysan ku fududaan doonin shaqooyinka Qaranka.

Docda kale, Farmaajo iyo Xasan Sheekh ayaa isla gartay in dalka uu u baahan yahay isbedel la taabankaro oo dhan waliba leh, si loo samatabixiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com