FALLANQEYN: saameynta deg degga ah ee laga dhaxli karo xilka cusub ee loo magacaabay Fahad Yaasiin?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta digreeto uu saaray ku magacaabay taliyeyaal cusub isaga oo kuwa kalena shaqada ka eryey.

Mas’uuliyiinta la magacaabay waxaa ugu tun weyn Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii madaxtoyada Soomaaliya.

Fahad Yaasiin waxaa loo magacaabay agaasime ku xigeenka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, hadaba saameynta deg degga ah ee laga fili karo maxay tahay?

Fahad Yaasiin waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta saameynta iyo galaangalka ugu weyn ku dhex leh hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Saameynta uu yeelanayo waxaa halbeeg looga dhigi karaa waxyaabihii ku soo kordhiyey madaxtooyada ee uu ka ahaa agaasimaha.

Fahad Yaasiin waxa uu madaxtooyada u yeelay muuqaal “Madaxtooyonimo” xilli ay ahayd meel jahwareer ka jiro markii loo magacaabay xilkaas.

Is bedeladda mugga leh ee uu Fahad Yaasiin ka sameeyey madaxtooyada waa mid ay wada qirsan yihiin dhammaan dadka ogaa sidii ay ahayd isaga kahor.

Taas iyada oo laga shidaal qaadanayo, Fahad Yaasiin saameynta uu ku yeelan doonno hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaana laga filan karaa inuu ka dhigo meel leh muuqaalkii looga baahnaa ha’yad ahmiyadda intaa le’eg u leh dalka.

Ha’yadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka intii dib lo aas aasay waxa ay ahayd meel aan wali si fiican u saldhigan waana waxyaabaha deg degga ah ee laga filayo in uu wax ka qaban doono Fahad Yaasiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com