Fallanqeyn sharci: Farmaajo ma hakin karaa awoodaha ra’iisul wasaare Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sheegayo inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kadib khilaaf soo kala dhex galay.

Haddaba, Sharciyan Farmaajo xilligaan awood ma u leeyahay inuu qaado tallaabadaas?

Garyaqaan Daahir Maxamed Carab oo ah sharciyaqaan ku sugan Muqdisho oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in marnaba uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday awood u laheyn in uu tallabadaas qaado, maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga ah.

Garyaqaanka ayaa isaga oo soo xiganaya Dastuurka KMG waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu kalsoonida siiyay xukuumadda, islamarkaana uu Dastuurka uu awooda u badan siiyay xukuumadda xil-gaarsiinta.

“Mar hadduu dhamaado muddo xileedkii madaxweynaha iyo kii baarlamaanka, awoodihii Dastuuriga ahaa ee labadaas hay’adood halkaas ayey ku dhamaadeen, laakiin xukuumaddu waa ka duwan tahay,” ayuu yiri.

“Awoodaha Hay’addaha waxaa bixiya Dastuurka, Madaxweynaha sida ogsoonahay waa lasoo doorta waa afar sano oo ka billaabaneysa marka la dhaariyo, laakiin xukuumadda maadama laga rabo shaqo maalinle ah lagama maarmaan ay tahay inay bulshada u adeegto waxaa awood loo siiyo in shaqada sii wado ilaa xukuumad kale laga soo dhisayo si firaaq Dastuuri ah u dhicin.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuusan jirin qoddob Dastuuri ah oo siinaya in Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ay sii wadi karaan shaqada, isagoona xusay in shaqadii caadiga aheyd ee hore u socday uu dar-dar geliyo Ra’iisul Wasaaraha oo uu ka go’aan gaari karo amaanka qaranka, xasiloonida iyo daganaashaha guud ee bulshada.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in hay’adda keliya ee Dastuurka uu xilligan awooda siiyey ay tahay xukuumadda oo uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo ka dhigan in wareegtada Farmaajo aysan sharciyad ku dhisneyn.

Hoos ka dhageyso wareysiga garyaqaanka.