Golaha Ammaanka QM oo kulan deg deg ka yeelanaya xaalada Somalia + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qurshuhu yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta berri ah kulan deg deg ah ka yeelan doona xaaladda Soomaaliya, kadib markii uu maanta madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu soo saaray wareegtu ku sheegay in uu ku hakinayo awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankaan oo ah mid aan caadi aheyn ayaa waxaa lagu eegi doona xaaladaha kasoo cusboonanaya siyaasadda Soomaaliya, xili uu dalku ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana ay billowdeen doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa gashay marxalad aan horay loo arag, taas oo ah in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato, uuna madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday is-bidayo awoodo abuuri kara qalaalase amni.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hore u sameeyay is-bedelo cadaalad loogu raadinayo kiiska Ikraan Tahliil, taasi oo uu si cad uga horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday oo abuuray khilaaf cusub.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa dhinaca saaray saaxiibadiisa siyaasadda oo ugu horeeyo Fahad Yaasiin iyo Xundubeey oo uu xilalkii ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba, Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa gashay waji halis badan, kaasi oo kal hore dalka looga bad-baadiyay kadib markii awoodaha doorashada iyo amniga lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.