Xildhibaano jawaab deg deg ah ka bixiyey wareegtadii uu soo saaray FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay kamid yihiin Axmed Macalin Fiqi, Mahad Salaad, Cabdisaabir Shuuriye iyo Cabdiraxmaan Odowaa ayaa durtaba ka fal-celiyey wareegtadii ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo ee ku sheegay in uu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Siyaasiyiintan ayaa qaarkood garab weyn u muujiyey Ra’iisul Wasaaraha oo xiligan asagu gacanta ku haya hanaanka doorashada iyo amniga, oo kal hore uu wareejiyay Farmaajo, kadib xili uu dalku ku sigtay qalaalase amni.

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa yiri: Afar sano ayaan sheegayay in nidaamka uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday uu wadankaan ku wado meel mugdi ah uuna wado baabuur aan fariin lahayn.

Warqadda maanta ka soo baxday waxa ay daliil u tahay in Farmaajo uusan dan ka laheyn wax dowladnimo la xariira iyo sharciyad.

Afar sano ayaan ka digaynay sharciyad darradaas iyo ku xadgudubka dastuurka.
Haba-yaraatee wax awood u siinaya majiraan in uu cid xil ka qaado. Warqadda maata uu soo saarey waa mid wax kama jiraan ah “ null and void”.

Waxaan garab iyo gaashaan u nahey RW Maxamed Xuseen Rooble oo hadda ah cidda kaliya oo haysta sharciyadda xil gaarsiin. Warqaddaasi waxa ay na tustay midabka runta ah ee Farmaajo, waana la joogaa xilligii dalka laga badbaadin lahaa.

Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri: Oday Farmaajo markii uu tabar hayey talo ma heyn, haddana tabar iyo talo toona ma lahan sida ka muuqata ficiladiisa!. Warqado sharcidarro ah oo baraha bulshada la soo dhigo ayay uga soo hartay!.

Cabdisaabir Shuuriye ayaa yiri: Markii aan arkay Wiiftada uu soo tuurey galabta Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Mudane Farmaajo, waxa aan soo xasuustay oraah aan maqli jirey hadda kahor uu ku Cataabay nin rajo beel ku dhacday oo yiri:

“Waxba dhowran meynee rabbow dhagaxyo soo daadi!” Ninkaani laba mid buu ahaa mid xishood laawa ah oo wax walba oo dhaca aan kala jecleyn ama nin dagaal u diyaar garoobay oo wax walba ha dhaceene wax aan biloowno yiri!!!

Mahad Salaad ayaa yiri: Duqii Farmaajo ahaa wlhi waa wareeray. Hada wixii ka dambeeya gacanta inla haayo ayuu u baahanyahay si uusan xaafadiisa uga lumin!