Shacab si aan caadi aheyn uga fal-celiyay wareegtadii kasoo baxday FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta markii uu soo saaray warqad uu ku sheegayo inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha oo asagu gacanta ku haya hanaanka doorashada iyo amniga dalka, ayaa waxa si aan caadi aheyn uga fal-celiyay shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online, ayaa indhaha la raacday aragtiyada ama commentiga ay dadweynaha Soomaaliyeed ka dhiibteen wareegtadaas oo lagu baahiyay barta Facebook ee Villa Somalia, waxayna badankooda ka mideysanayaan shaki gelinta awood Farmaajo ee ku hakin karo awoodaha Rooble.

Shacabka ka fal-celiyay Wareegtadaas, ayaa qaarkood ku weeraray Farmaajo in qaab sharci daro ah uu kusoo ceshanayo, awoodii uu kal hore wareejiyay, halka qaarkood ugu baaqeen inuu is casilo, maadama uu fashilmay, sida ay sheegen.

Dadka aan aragtidooda idiin soo aruurinay ayaa waxaa kamid ah;

Cabdullaahi Xasan Cabdullahi: Farmaajo awoodi dastuuriga ah iyo mida sharciga ah wuuba ka dhamaday marka wax aa joojin karto maleh hadalkaga marku macno beelo waa sida farmaajo, MP Rooble asaa kaa awood badan hada sharciyadna heysta marka ha dagdagin jawaabtada inyar sug.

Amaal Yaasiin Geelle: Shacabka loo shaqeynayo soo annaga maahan. Anagu kuma rabnee waraaqaha qaldan naga daa.

Abdifatah Ugas: Awood aad Afkaaga ku wareejisay, Umadda Soomaaliyed horteeda, Post Facebook lasoo dhigay kuma so noqoneysee, Macsalaama Maxamadow.

Abdullahi HEYNOSH Mohamed: Waa post iska caadi ah, haddii uu yahay war dowlo aan ka aragno faafinta rasmiga ah sida; SNTV, Radio Mogadishu ama wakaaladda wararka SONNA.

Bilan Sheikh Cali: Mudane madaxweyne sharaftaada inta kugu hartay ha iska sii qaadin!! Warqaddii 6-aad ayaan u maleynayaa in ay tahay middaan. Adigoo is dhahaaya mar walba tii hore waa ay socon-weyday ee middaan in ay soconeyso bal fiiri. Illaa iyo haddana wax kuu suurta gashayna ma jirto. Marka adiga oo Allah SWT ka cabsanaya iskala heshii Ra’iisal Wasaaraha waayo ummadda Soomaaliyeed waxa ay aragtay in Ra’iisal Wasaaraha waddo saxan uu ku socdo, halka adiga dalka iyo dadkaba aad ka dooratay eedeysanayaal dartooda. Allow waddada toosan kugu soo celi.

Yahye Abdi: Soomaali Farmaajo sifiican u barta, caddaalad ma rabo in ay gabdhu hesho wax walba waxaa uga weyn basaaska qatar ee lacagta uga keena, Muddo xileedkiisu wuxuu ku ekaa Feb 8, Guuleyso RW waxaa kula jira shacabka barakeysan ee PL, JL, GM.

Abdirahman Xubey: Walee waxaa Run ah hadalkii Suudi Yalaxow oo ahaay Maxamadoow soobax makusoo baxayee meesha halaga soo saaro waa nin waashay oo waraaqo qoroow kaliya dalkii kahaya.

Ubax Nacfi: Cidu ku dhagaysan mayso ee maad qoraalkan facebook aad xasaradaha ugu kicinayso nagadaysid.

Hon Omar Abdullahi: Madaxweyne waxaa ku sharaf ah inaa xilka iska casisho adigoo 4 sano soo kaabeynayay calacalkaga ma dhageysan karno Fadlan is casil.

Abdifatah Ali Yare: Farmaajo wareersane & Teamkiisu maalinkasta god hor leh ku sii dhacaayan qasaaye markuu arkay inuusan helayn wixii uu rajaynaayay ayuu dalka Qalalaase uhorseeday.

Yahye Mohamett Hussein Qare: Farmaajo Wuxuu Qaadayaa Maalinkasta Talaabo Abuuri karta Qalaalaase Hor Leh Wuxayna kusii kordhinaysaa dambiyada, wuxuuna ku waynayaa Taageradaan Uhaynay.

Amin Hagi: Waxaa ilahey mahaddiisa ah in manta warqad aad soo qortay iyo mid uu aweys baafow soo qoray isku mid agtena kayihiin cid kudhaqmaysaanna jirin cid baahinaysana aysan jirin uu ugu horeeyo SNTV saas darteeda waxaad doonto iska soo qorqor oo isaga nafis Maxamed Qalbi-qalbiyow.