Fanaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo geeriyooday

Addis Ababa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Marxuum Cabdinaasir Macallin Caydiin oo kamid ahaa Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Ethiopia, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay isbitaalka u jiifay xaalad caafimaad daro oo la soo daristay, waxaana loo qaaday dalka Ethiopia oo uu haaatan ku geeriyooday.

Qaar kamid ah Fanaaniinta caanka ah ayaa ka hadlay geerida Cabdinaaasir Macallin Caydiid, waxayna Eebbe uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannadii Firdsowso.

“Ilaahay Ha u Naxariisto Ustaad Cabdinasir Macalin Caydiid qabriga Alle ha u nuuriyo dhamaan ehelka qaraabada iyo Soomaali oo dhana samir iyo iimaan Ilaahay ha’inaga wada siiyo,” yiri Fanaan Dalmar Yare oo ka hadlay geerida Marxuumka.

“Hadhacii Fardowsaad Halhaleel ku gal AUN Aabe Cabdinaasir Macalin Caydiid wuxuu ahaa macalinkayga,” ayuu isna yiri Fanaan Qamar Suugaani.

Haddaba kumuu ahaa Cabdinaasir Macallin Caydiid?

Allaha u naxariistee wuxuu Cabdinaasir Macallin Caydiid ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yemen sanadkii 1959-kii. Waxaana uu wax ku bartay dalkaasi isaga oo soo noqday farsamo-yaqaan gaadiidka ah ama makaanik.

Sidoo kale wuxuu fanka ku biiray horraantii sanadihii 1980-yadii, isaga oo bartay tumista Kabanka ama Cuudka oo layaqaan boqorka miyuusiga Soomaalida, waxaana uu u tumay fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Sahra Axmed Jaamac , Axmed Mooge Liibaan, Aamina Cabdilaahi Xirsi, Axmed Gacayte, Kinsi Xaaji Aada, Saynab Cige Maxamed iyo qaar kale oo badan.

Wuxuu sida oo kale ahaa laxamiste iyo heesaa qaaday heeso dhawr ah oo aad macaan oo ay ka mid ahaayeen nabsi oo uu lahaa Xuseen Rooble (Xaa-Gujis) iyo kuwo kale oo ay qaarkood ka hadlayeen noloshiisa gaarka aheyd.

AUN marxuumka ayaa sanadihii dambe ku noolaa Somaliland, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Hargeysa isagoo kamid ahaa tiirarka waaweyn ee Fanka Soomaaliyeed.