Xisbiga WADANI oo war ka soo saaray dilka Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi Hadraawi

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo loo geystay mas’uul ka tirsanaa xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi), waxaana toogasho ku dilay kooxo hubeysan oo goobta isaga baxsaday.

Musharraxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa si adag uga hadlay dilka Cabdiftaax, wuxuuna tacsi u diray ehellada marxuumka, gaar ahaan qoyskiisa & carruurta uu ka tegay.

Sidoo kale wuxuu  ka dalbaday laamaha ammaanka ee Somaliland in ay gacanta kusoo dhigaan dambiilayaashii dilka geystay, si cadaaladda loo horkeeno.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Dhanka akle ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgallo iyo baaritaano ka bilaabay magaalada, si dabagal loogu sameeyo raggii ka dambeeyay weerarkaasi dilka ah.

Laascaanood ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey falal ammaa darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro, waxaana horay u jirtay in xukuumadda Somaliland ay gudaha magaaladaasi kasoo masaafuray qoysaska kasoo jeeda koonfur Soomaaliya.