Fanaan Gaarane oo shaaciyey mas’uulkii ka dambeyey inay NISA dhibaateyso (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo sanad iyo 3-bilood u xirnaa hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA, isla markaana sheegay in jir-dil culus loo geystay ilaa uu ka qirto Al-Shabaab uusan weligiis ku biirin, ayaa hadda shaaciyey ninka marsiiyey dhibaatadaas.

Abshir Gaarane oo wareysigii ugu dheeraa siiyey Weriye Maxamed Cali Maxamed oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa sheegay in masuuliyadda xabsigii, jir-dilkii uu soo maray iyo sumcad dilkii loo geystay uu ka dambeeyey Cabdullahi Kullane.

Cabdullaahi Kullane hadda waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, xiliga la xiray Gaarane wuxuu ahaa xubin sare oo ka tirsanaa NISA, sidoo kale Kulane iyo Gaarane waa isku heyb, inkastoo Gaarane uu wareysigaan ku sheegay in waligiis aysan waxaba dhex marin isaga iyo Kulane.

Wuxuu sheegay in maalintii la xiray ilaa hadda loo sheego in qofka soo xirtay ee dhibkaas marsiiyey uu ahaa Kulane Jiis, halka Ibraahim Macalin oo xiligaas ahaa taliyaha godka Jilicow uu ahaa fuliyaha qorshihii Fanaankaan lagu geliyey dabinka.

Sanadkii 2020-kii ayaa twitterka NISA lagu baahiyey muuqaalka Abshir Gaarane oo qiranayo inuu 13 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse wareysigaan ayuu ku soo bandhigay dhibaatadii loo geystay ee ku kaliftay inuu sheegto Shabaab uusan aheyn.

Abshir oo lasoo xiray bilowgii bishii koowaad ee sanadkii 2020 ayaa sheegay in maalinkii sagaalaad ee xabsigiisa uu ku qasbanaaday inuu qirto wixii ay doonayeen ragii jir-dilayey ee Jilicow ku heystay.

Wuxuu sheegay in qolka lagu jir dilay ee sagaalka maalmood lagu haayey uu ku dheganaa xafiiska Ibraahim Macalin oo ahaa taliyaha NISA ee godka Jilicow, kaas oo ugu dambeyntii loo geeyey, taleefankiisana uga duubay muuqaalka lagu baahiyey bogga NISA.

Madaxweynihii hore Farmaajo oo fanaankaan ay isku heyb ahaayeen, ayuu sheegay in kiiskiisa uu ka war qabay bilow ilaa dhamaad, isla markaana ay ehelkiisu ay la kulmeen ugu yaraan labo jeer, balse uu dowladiisii ka waayey wax cadaalad ah.

Dhamaan masuuliyiinta dowladaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha, Taliyaha NISA Mahad Salaad, duqa Muqdisho iyo baarlamaanka dalka ayuu Fanaankaan ka codsaday inay cadaalad u raadiyaan.

Wuxuu ku cataabay in Muqdisho oo uu ku koray lagu dhibaateeyey, hadana uu ku dhex bahdilan yahay, shaqo uusan heysan, cid kasta ay shaqo u diiday, dowladiisa oo dulmisay uusan cadaalad ka helin.

Al-Fanaan Abshir Gaarane wuxuu intaas ku sii daray in shaqadii uu ka heystay gobolka Banaadir loo diiday inuu dib ugu laabto, bulshada uu kala kulmo takoor xun, ilaa hadda uusan shaqo helin, sababta loogu diidayana ay tahay sumcad dilkii ay ku sameysay dowladii Farmaajo, gaar ahaan xubnihii u joogay hoggaanka hey’adda NISA.

Hoos ka daawo wareysiga oo dheer