Fanaanad Aamina C/llaahi oo ku geeriyootay Boorama

Boorama (Caasimada Online) – Fanaanadii weynayd ee Aamina Cabdullaahi Xirsi ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, sida ay xaqiijisay wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Aamina Cabdullaahi Xirsi AUN ayaa kamid ahayd Fanaaniinta ugu caansanaa Soomaalida xilligii barisamaadkii, waxayna u geeriyootay xanuun ay muddo dhul yaal u aheyd.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in maalinta berri ah marxuumad lagu aasi doono magaalada Boorama.

“Waxaa maanta tacsi tiiraanyo leh u dirayna oo halkan bulshada kala wadaagayna qoyskii, qaraabadii, wasaaradda warfaafinta & dhaqanka wacyi-gelinta iyo guud ahaan Qaranka oo ay ka baxday Fanaanadii weynayd Aamina Cabdullaahi oo aad wada garaneysa oo door weyn ku laheyd fanka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

“Bulshada waxaa loo sheegaya intii soo gaari karta inay kasoo qeyb-gasho aaska oo dhigi doona maalinta berri ah ee Subaxa Axada. Halkaas ayaa la wada maraya waxaa Ilaahay ugu baryayna in Jannooyinkiisa ku casuumo.”

Hoos ka aqriso sooyaalkeeda oo kooban;

Aamina Cabdullaahi Xirsi ayaa ku dhalatay deegaanka Kala-baydh ee u dhaxeeya magaalooyinka  Boorama iyo Wajaale. Waxay kusoo barbaartay fankana kasoo gashay dalka Jabuuti, horraanta sannadkii 1966-kii.

Allaha unaxariiste Aamina oo kamid ahayd Hoballada Waaberi ayaa xaas u noqotay ubadna u dhashay Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Qays) iyo fannaankii Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe (Cabdiraxmaan-dheere) oo ah aabaha dhalay fannaanadda caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan oo kamid ah fanaaniinta hadda.

Waxa ay la heestay fanaaniin ay kamid ahaayeen Maxamed Axmed Kuluc, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed Gacayte Yuusuf iyo rag kale oo caan ahaa.

Heesihii ay qaaday kuwa ugu caansan waxaa kamid ah heesta “Waligeed adduunyada” oo erayadeeda uu sameeyay Xaasan Xaaji Cabdullaahi (Xasan Ganey), heestaana ayaa ku jirtay Riwaayaddii Dab Jeceyl kari waayay oo la dhigay 1974-kii

Soddan sanno ku dhawaad oo shumaca Fanka ee Soomaalidu u baxaayey, Aamina Cabdullaahi ayaa ka mid ahayd fanaaniinta aad loo jeclaa, iyada oo aad loo xiiseyn jiray jilidda majaajilada.

Aamina ayaa la xasuusta inay ka qayb qaadatay jilitaanka riwaayado badakooda ay sameyeen Xasan Ganay iyo Cabdi Aadan Xaad Cabdi-Qays.