Xildhibaan ka tirsanaa BF oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u nxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo ka tirsanaa Baaralamaanka Soomaaliya, kaas oo 14 sano ka shaqeynayay dowladnimada.

Xildhibaanka oo waayadii dambe xanuusanaa ayaa xalay saq-dhexe ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelladiisa.

Sidoo kale waxaa geerida ku timid marxuumka ka tacsiyeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Maxamed Nuur (Madoobe) oo war qoraal ah soo saaray.

Aadan Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday gudaha magalada Muqdisho.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa halyey waqti badan geliyay dowladnimadda isaga oo  Alle uga baryey inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan shacabka.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seey Seey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayuu yiri.

Dhankeeda taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiya Xuseen Axmed oo ka hadashay geerida xildhibaanka ayaa sheegtay inuu dalkiisa usoo shaqeeyay 14 sano.

Waxay sidoo kale ugu duceysay inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso, samir iyo iimaana uu ka siiyo dhamaan ehelkii iyo asxaabta uu ka baxay.

Muddo 14 sano ayuu dalkiisa u soo khidmeeyay xalay Alle ayaa naga jeclaaday. Allow u naxariiso marti la jecelyahay ka dhig siduu dalkiisa iyo dadkiisa ugu khidmeyn jiray malaa’iktaada ha u khidmeeyso. Qoyskii, ehelkii iyo asxaabta uu ka baxay dhamman samir iyo imaan Allow sii” ayay ku tiri qoraal kooban oo ay soo saartay Generaal Zakiya Xuseen.