Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ah.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay dhor jiho oo duleedka magaalada ah, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil u hadashay SSC ayaa shaaca ka qaaday inay qabsadeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka milatariga Somaliland.

Dhanka kale warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee maamulka Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, waxaana Somaliland ay ku eedeysay inay soo qaaday Puntland oo kaashaneyso koox argagixiso ah iyo kuwa nabad diid ah.

“kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanoodm” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Somaliland

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiisay dhinacyada soo weeraray.

“Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka Somaliland.

Waxaa kale intaas la raaciyay “Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi”.

Laascaanood ayaa muddo ka badan bil waxaa ka socda dagaallo qaraar, waxaana lagu guul dareystay in la sameeyo xabad joojin, kadibna ay wada-hadlaan labada dhinac.