PUNTLAND oo shaacisay sababta ay ku diiday shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba waxaa xalay lagu soo geba-gebeeyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, halkaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed.

Madaxweynayaasha afar dawlad goboleed oo uu san ku jirin kan Puntland iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa ka qeyb-galay shirka.

Waxaa la is waydiinayaa, maxay Puntland ku saluugtay shirkaa?

Maxamuud Caydiid, wasiirka warfaafinta ee Puntland oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in sababta ay u maqan yihiin ay tahay, wadatashi la’aan ay dawladda fedraalka ah ku samaysay dhamaan heshiisyada lagu saxiixo shirarka golha.

Tusaale wuxuu u soo qaatay shirkii ugu dambeeyay ee Puntland ay qaadacday qaar kamid ah qodobadii ka soo baxay, madaxweyne Saciid Deni na uu diiday in uu qalinka ku duugo.

Fedaraaleynta dastuurka iyo xadeynta awoodaha dawladda iyo dawlad goboleedyada ayaa ahaa labadii qodob ee ay walaaca ka muujiyeen.

“[Dawladdu] waxba nagama waydiin labadaa qodob, iyadaa hawsheeda iska wadata…waa wax lala cararayo, meel marin hadaad maqasho waa wax aan wadatashi galayn,” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Maxay ka mid ah qodobada la isku hayo?

Mid ka mid ah qodabada xasaasiga ah ee Puntland walaaco ka qabto ah kala xadeynta awoodaha. Wasiir caydiid intii uu noo waramayay wuxuu gooni uga dhawaajiyay qodobka ah, wadaagga qayraadka.

“Qeyraadka waa la wada leeyahay waa in laga wadatashado, oo badka dhulka, iyo tirada dadka ku nool goobta intaba lagu wada xisaabtamo,” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Shuruucda Shidaalka ayuu sidoo kale sheegay in dawladdu aysan kala tashan dawlad goboleedyada, iyada oo gashay heshiisyo caalami ah. Wuxuu kale oo dhaliilay hay’adaha Soomaaliya u qaablisan shidaalka, isaga oo ku tilmaamay inaysan awood u lahayn shaqada loo igmaday.

Qodabado kale oo ay kamid yihiin heshiisyo isgaarsiineed oo ay dawladdu gashay iyo shuruucda amniga oo uu ka mid ayahy kan la dagaalanka argagixisada ayuu sidoo kale tilmaamay Caydiid in aan wax talo ah laga waydiin dawlad goboleedka Puntland.

Mar uu ka hadlayay amniga ayuu tilmaamay in aan xogaha amni ee la xariira ammaanka Puntland aysan dawladdu la wadaagin hay’adaha amniga ee Puntland.

Caydiid ayaa yiri: “Ciidamadii ammaanka ee Puntland qaybo kamid ah waxay ka dagaalamayaan ilaa Ceeldheer iyo Xarardheere si ay al-Shabaab dalka uga xoreeyaan. Dawladda dhexena in ay xog xitaa nasiiso oo ay tiraahdo kuwii baxsadka ahaa halkaas ayay marayaan, xataa ma oran karto”.