Fanaanka Nimcaan Hillaac oo xil cusub loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka weyn Nimcaan C/raxmaan Hillaac ayaa maanta loo magacaabay xil cusub, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye.

Wareegtada ayaa Nimcaan C/raxmaan loogu magacaabay Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, waxaana xilkaasi laga qaaday Maxamed Xasan Barrow.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta oo xilka looga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi , ayaa sidoo kale Maxamed Xasan Barroow loogu magacaabay lataliyaha Wasiirka ee arrimaha horumarinta Fanka.

Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa kamid ah fanaaniinta da’da yar ee soo caan baxii sanadihii ugu dambeeyay, waxa uuna fanaankan isaga soo tagay magaalada Hargeysa uu kunoolaa kadib cadaadis xoogan uu kala kulmay maamulka Somaliland.

Wuxuu kamid yahay fanaaniinta loogu taageerada badan yahay dalka, isagoo leh dabeecad wanaagsan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com