Xafiiska Sheekh Shaakir oo iska fogeeyey takoor ka dhan ah dadka Digil iyo Mirifle

Dhuusa-Mareeb (Caasimadda Online) – 24kii saac ee la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegaya in maamulka Galmudug gaar ahaan caasimadda Dhuusamareeb ay hey’adaha amniga si gaar ah ugu yeereen dadka ka soo-jeeda beesha Digil iyo Mirifle ee maamul goboleedka koonfur galbeed, iyaga oo ka dalbaday iney guuraan ama xoog lagu tarxiili-doonno.

Arrintaas ayaa waxa iminka jawaabay maamulka Galmudug iyo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir, waxayna ku tilmaameen daacayd waxbo kama jiraan ah.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Ibraahim Jeekey  oo wareysi siiyey saxaafadda ayaa sheegay “Waa jirtaa in shalay Dhuusamareeb loogu wacay dadka ka soo jeeda deegaanka Koonfur Galbeed, waxaa lagala hadlay waa sugidda amniga, kaalinta ay ku leeyihiin, iney soo wargeliyaan qofkii iyaga ku soo dega, oo dammiin ka noqdaan ama kan kale ee magaalada iska jooga ee ka tirsan. Sababtana waa in hey’adaha amniga ka war hayaan waxa socda, lana sugo amnigooda shakhsiga ah iyo hantiodooda”.

Waxaan kale oo aan weydiinney dadka loo yeeray“Dadka loo yeeray waa dadka deegaankaas ka soo jeeda, haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato, timo-jarayaal, waratada iyo dhamaan qofka kasta oo jooga Dhuusamareeb, waana yimaadeen, oo waxaa ay ballanqaadeen iney la shaqeynayaan hey’adaha amniga” .

Ibraahim Jeekey mar uu ka jawaabayey, sow arrintaas takoor ma aha waxaa uu yiri “Maya, qofka oo halkan yimaado waa lala socdaa, dammiin waa la weydiiyaa, xataa dadka gobolladaas ka soojeeda ee deggan Guriceel horay ayaa arrinkaas loogu sheegay, oo ay dhaqan-geliyeen, wax cusub ma aha, oo iyaga ayaa raali ka ah, waad hubsan kartaa”.

Waxaa kale oo la weydiiysey sida dadkaasi looga arko deegaanka “Walaal dad ajnabi kama aha halkan, Guriceel ganacsiyada ugu badan haatan iyaga ayaa ku leh, keliya ganacasato ma ahee rixim ayey noqdeen iyo qaraabo, arrintan laga dalbaday ee ah in qofkii ku soo dega ama, kii kalana amniga ku wargeliyaan waa wax caadi ah, ee cid guura dhahday ama takoortay ma jirto, waa dad Soomaaliyeed, oo xuquuq leh”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com