Go’aanno culus oo ka soo baxay shirka amniga Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir looga hadlayay ammaanka iyo howlgallada ka socda caasimada ayaa xalay lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, waxaana guddoomiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) .

Shirka waxaa ka qeyb galay saraakiisha qaabilsan dhanka ammaanka, iyadoona diirada lagu saaray amniga iyo qiimeyn guud oo lagu sameeyay, sida ay u socdaan howlgallada Caasimada.

Sidoo kale shirkani ayaa lagu go’aamiyay in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha sugida amniga gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in muddo dheer ay wadeen dabagal xoogan, islamarkaana loo baahan yahay in la sameeyo is bedal dhab ah.

“Shirka Amniga Caasimadda ayaan ku qiimeynay xaalada Guud ka dib kormeer iyo dabagal joogta ah oo aan wadnay muddo, isla markaasna go’aaminey dib u eegis in lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada”ayuu yiri Eng, Yariisow.

Sidoo kale  waxa uu ka dalbaday shacabka Muqdisho in ay si dhow ula shaqeeyaana Ciidanka ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada.

Maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ammaanka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay joogteeyay kulamada looga hadlayo amniga, iyaga oo soo saaray go’aanno wax looga qabanayo dhibaatooyinka weli ka jira magaalada Muqdisho.

Heyeeshee waxaan weli is bedal dhab ah lagu sameynnin qorshaha sugida amniga oo dhibaato ay ku qabaan rayidka, waxaana haatan kala xiran degmooyinka gobolka Banaadir oo uu ka jiro wax loo yaqaano kala wareeg oo ah in aan la’isku gudbi karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com