Kenya oo xirtay xuduudda Somalia kuna dhowaaqday inay joojisay xiriirka ganacsi

Lamu (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku dhowaaqday inay xirtay xuduuddii Soomaaliya, islamarkaana joojisay gebi ahanba ganacsigii kaga iman jiray Soomaaliya.

Goobta xuduudda ee sida gaaaka ah loo xiray ayaa ah dhanka Lamu, oo ah mid ka mid ah afarta marin xuduudeed ee Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya, ayada oo saddexda kale ay yihiin Mandera, Wajir, iyo Gaarisa.

Madaxa booliska Lamu, Mr Muchangi Kioi ayaa sheegay in hadda iyo wixii ka dambeeya ay xuduudda u furnaan doonto oo kaliya saraakiisha amniga.

Dadka ku nool Lamu ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay waxa ganacsi ah la sameeyaan Soomaaliya.

Muchangi Kioi ayaa sheegay in cid kasta oo sidaas sameysay ay lumin doonto shatiyada ganacsiga, islamarkaana xabsiga loo taxaabi doono.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay inay qabteen “10 jawaan oo sokor sharci-darro ah oo ka timid Soomaaliya iyo xirmooyin caano geel ah.”

Dadka dukaamada ganacsi ku leh dhanka xuduudda ee Kenya ayaa lagu amray inaysan iibin karin wax badeeco ah oo ka timid Soomaaliya, islamarkaana ay badeecadaha Kenya ka iibin karin Soomaalida xadka degan.

Xiriitaanka xuduudda ayaa ah cutubkii ugu dambeeyey muranka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee salka ku haya badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegtay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com