Dagaal u dhaxeeya Yuusuf Dabageed iyo HirShabelle oo ka qarxay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Faafaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo goor dhow ka qarxay deegaanka Kala-Bayrka ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa lagu soo warramaya in uu dhexeeyo Ciidamo taabacsan guddoomiyaha xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo kuwa maamulka HirShabelle.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalka ayaa dhashay, kadib markii la’isku qabtay cida qaadeyso canshuurta kastam ku yaalla deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku adeegsanayo hubka nuucyadiiska kala duwan.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamo gurmad ah ay ku sii qul qulayaan goobta uu ka socdo iska hor imaadka.

Wararka ayaa sheegaya in taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow uu ku dhintey dagaalka ka duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay ciidamada Booliska gobolka Hiiraan iyo ciidamo nabadsugid ah.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in dagaalkan ay sidoo kale ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in dilka Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Hiiraan uu ka dambeeyo taliye ku xigeenka Nabadsugida qaranka Fahad Yaasiin oo amray in ciidamada Nabadsugida ay la shaqeeyeen Maamulkii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in weli deegaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyne laga maqlayo rasaasta dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo kuwa daacad u ah yuusuf Dabageed.

Xaalada Magalada Baladweyne aya xilligaan kacsan, iyada oo laga dareemayo dagaala ka socda duleedka degmadaas.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com