Somaliland oo shaacisay eedeymaha uu Coldoon u xiran yahay 55 maalin (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya u soo bandhigtay eedeymaha uu Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon u xiranyahay 55-ka maalmood.

Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxay si rasmi ah usoo bandhigtay eedeymaha lagu haysto Wariye Coldoon.

Waraaqdan lagu cadeynayo eedeymaha lagu haysto wariyaha ee ka soo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha, ayaa waxa lagu sheegay in Wariye Coldoon loo haysto kiisas ay ka mid yihiin ku xad-gudubka gooni isu-taaga Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa sidoo kale waxa lagu eedeyay inuu ceebeyn kula kacay dugsiga Abaarso iyo Mas’uuliyiintiisa, iyadoo xusid mudantahay in waraaqda xeer ilaalinta lagu xusay eedeyntan labo jeer.

Coldoon ayaa waxa kale oo lagu soo eedeyay inuu dacaayado ka baahiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi oo ku sheegay “Taliska Muuse Biixi waa Taliskii Cabdi Iley oo soo koraya”.

Xeer ilaalinta gobolka Maroodi-jeex, ayaa ugu dambeyntiina waraaqdan ku codsatay inay Maxkamada gobolku ay u mudeyso waqtiga rasmiga ah ee la qaadayo dacwada Coldoon.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com