Sawirro: Muudeey oo si ka duwan sidii hore loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku aaday dalka Turkey.

Intii uu ku maqnaa dalka Turkey waxaa soo shaac baxay mooshin ka dhan ah oo ay wadeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, walow mooshinkaasi uusan noqon mid sii socda.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka, isaga oo muujiyay taageerayaasha uu ku dhex leeyahay baarlamaanka.

Xubnaha guddoomiye Muudeey kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku jira wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaano so dhow loogu xagliyo inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo madaxtooyada Soomaaliya.

Soo dhaweynta nuucan ah ayaa u muuqatay mid dhoolo tus ahaan loo sameeyay, Gudoomiye kuxigeenada Golaha Shacabka ayaan waagii hore sidan loo soo dhaweyn jirin, mana loo soo bandhigi jirin warbaahinta soo dhaweyntooda marka ay dalka kusoo laabtaan