Fannaanad caan ah oo shaacisay inay islaamtay

Nairobi (Caasimada Online) – Fannaanada lagu magacaabo Sinead O’connor ayaa shaacisay in wixii xiligan ka danbeeya ay tahay qof Muslim ah.

Sinead O’connor, waxa ay sheegtay inay kusoo biirtay Diinta Islaamka, isla markaana ay la magac baxday Shuhadaa’ Davitt.

Shuhadaa’ Davitt, qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxay ugu mahad celisay dhamaan Muslimiinta.

Shuhadaa’ Davitt, waxa ay tilmaantay inay ku faraxsan tahay inay ka mid noqoto Mujtamaca Ummah (The Muslim Community).

Diinta cusub oo ay qaadatay ayay sheegtay inay inay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana ay horay ula soctay balse ay mar un ku taameysay qaadashada diinta wanaagsan.

Dhinaca kale, Shuhadaa’ Davitt waxa ay muslimiinta oo idil ay ka dalbatay in loogu duceeyo in alle uu ka cafiyo heesaha ay ku luqeyn jirtay inta ay heysatay gaalnimada.

Xigasho: Telefishinka CNN