Fannaanin caan ah oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxa shaley magaalada Muqdisho soo gaaray fannaaniin caan ah oo ay ka mid yihiin Khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” Cabdixakiin Ciise Geedi Fara-yare iyo Xasan Cujeyr Cajami, kuwaasoo in ka badan 20-sano ka maqnaa waddanka.

Fannaaniintan ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halkaasoo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku soo dhaweeyeen iyo dad yow kale.

Dadkii soo dhaweeyay waxa kamid ahaa guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim shaaweeye, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, dadweyne tiro-badan  iyo Fanaanniin ay ku jiraan Bar-baarta Gaashaaman.

Markii la soo dhaweeyay ayaa waxa ay la hadleen saxaafadda, iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dib ugu soo laabtaan muddo badan kaddib.

Fannaanka caanka ah ee Khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dib in uu dib ugu soo laabto dalkiisa isagoona ugu baaqay Fannaaninta kale ee ku nool dalka dibadiisa in ay dib ugu soo laabtan wadankooda.

Magaalada Muqdisho tan iyo sannadkan sii dhammaanaya 2012-ka waxa immaanayay fannaaniin badan iyo dad qurba joog ah oo in mudda ah ka maqnaa dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho