Laba Wasiir oo maanta su’aalo adag kala kulmay Baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay su’aallo weydiiyeen labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda.

Wasiiradda maanta su’aallaha ay weydiiyeen xildhibaannada ayaa kala ahaa ra’iisal wasaar ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan  iyo wasiirka gaashandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Kulankii maanta oo shir guddoominaayay  afhayeenka afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, ayaa ugu horreyn waxa uu sheegay  in ajandaha baarlamaanka ee maanta uu yahay  mid su’aallo lagu  weydiinayay wasiirrada arrimaha dibadda iyo Gaashaandhiga.

Markii kulanka uu furmay ayaa ugu horreynna  waxa ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibada ay weydiiyeen xildhibaannada labo su’aal oo kala ahaa maxaa kalifay in la kireeyo rugta safaaradda Soomaaliya ee talyaaniga? Maxuusa yahay sababta  kireynta xarunta safaradda Soomaaliya ee Rooma?

Wasiiradda ayaa sheegtay in ay raali galin ka bixinayaan arrintaasi inkasta oo aanan si cad loo ogeyn waxyaabahaas balse ay jiraan gudi loo xilsaaray hantida dowladda ee jirta dalka dibadiisa.

“Anniga waa ay iga horreysay arrintaas, laakin anniga ra’iisal wasaaraha waxa naga go’an in aan hantida Soomaaliya la soo celiyo meel kasta oo ay taallo” ayey tiri wasiiradda.

Waxa intaas kaddib isna su’aallo la weydiiyay wasiirka gaashandhiga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji fiqi waxa la weydiiyay seddax su’aal oo kala ahaa:- maxaa kalifay in maxkamadda ciidammada ay xuraydiisa ka qaado muwaadin wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo ka tirsan idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ah? waa maxay mowqifka xukuumadda ee ku aadan xariga wariyahaasi? goorme ayaana xuriyadiisa loo soo celinayaa?

Wasiirka ayaa yiri” In wariyaha uu sii daayay warbixin taas oo ka hadleysay in maxkamadda ay dishay nin aanan loo qaban qareen balse mas’uuliyiin ka socoto BBC-da ay yimaadeen Muqdisho ayna ka bixiyeen raaligalin balse haatan dib loogu celiyay xoriyadiisi.

Labadan wasiir ayaa shaley loo ballan sanaa in su’aallo ay weydiiyaan xubnaha baarlamanka, laakin shaqo ay jireen ayaa loo baajiyay.

Ugu dambeyn afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wariyaha BBC-da Muqdisho uu xor yahay isla  markaana laga siiyay xabsiga dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho