Warbixin: FAO & WFP oo dhibaatooyin lixaad leh ku haya beeralayda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah beeralayda Soomaalida ayaa ku eedeeyay hey’adda FAO iyo WFP in ay dalka Soomaaliya ka wadaan dhibaatooyin xooggan oo lagu curyaaminaayo bulshadda Soomaalida mustaqbalkooda.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah shir jaraa’id ku qabtay qaar ka mid ah beeraleyda iyo dad iskaleh shirkadaha wax soo saarka dalka, kuwaasoo ku muujiyay war-saxaafadeedkooda sida ay uga xun yihiin dhibaatada baaxda leh ee labadan hey’adood ku hayaan dalka.

Sarkaal u hadlay hey’adda FruitSom oo Muuska dibadda u dhoofiya ayaa sheegay in hey’adda FAO ay keentay dalka waxyaabo aan wax tar u lahayn beeraleyda isla markaana lagu curyaaminaayo wax soo saarka dalka.

Wuxuu ka codsaday cid kasta oo wax ka qaban kara hey’addahan in ay joojiso dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayaan.

“Waxa ay noo keeneen dawooyin aan wax tar lahayn, waxa ay wax qaybiyaan xilliyada ay dadka beeran u soo ga’aan si loo niyad jabiyo qofka beeraleyda ah”

Wuu sii hadlay ” Dhammaan dadkii Soomaalida waxa ay ku soo gureen magaalada Muqdisho, mid ah xero wax ku siiyaan mid ay dawo dhacday ku cabaan ayey ka dhigeen dadkii beeraha tacban jiray iyo kuwii xoolaha dhaqan jiray” ayuu yiri.

Si kastaba, dad badan oo yaqaana dhaqaalaha Soomaaliya waxa ay lee yihiin Soomaaliya wax yaabaha dib u dhaca u keenay waxaa ka mid ah hey’adda gaarka kuwaasoo dadka mucaawino iyo wax yaabo aan wax tar lahayn siiya, waxaana dadkaas ay ka yimaadeen gobalada dalka iyagoo beer ama xoolo lahaa markii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi