Faraantigii Paris “Ring of Paris” (Q.2) (Sheeko wax loo dhigo aysan jirin)

Qeybti 2-aad Qeybti 1-aad halkan ka aqriso.

Javier waxaa uu usoo cararay hooyadii iyo aabihihii oo meel aan sidaas uga fogeen ku cabaayo sigaar , waxaa uu sheegay qisadii uu soo arkay aabihii iyo hooyadiiba waxay usoo dhaqaaqeen dhankii miiska yaalay oo ay joogeen wiilkii miskiinka ahaa iyo hooyadii………..

WILLIEM iyo ELSA waxay u soo dhawaadeen wiilkii miskiinka iyo hooyadiisa oo dultaagnaayeen miiskii xaflada dhalashada Javier lagu qabtay , way salaameen salaan kadib WILLIEM ayaa ku yiri magacaygu waa WILLIEM tanina waa xaaskayga ELSA iyo wiilkayga Javier oo noo soo sheegay in aad joogtaan halkaan sidaas ayaan idin kuugu imaanay.

Wiilkii miskiina iyo hooyadiisa ayaa hadalkii qaadtay oo tiri magacaygu waa Laura kana waa wiilkayga Alexandre waxaan ka mid nahay dadka danyarta ah ee halkaan u soo qaraab doonto, marna waxaan tir tir naa gawaarida muraayadahooda ee halkaan yimaado si aan nolol maalmeedkeena uga helno, iyo xoogaa buugaag aan ugu iibiyo wiilkayga si uu wax u barto lakiin way nagu adagtahay in aan tir tir no gawaarida, sababtoo ah wiilkayga waa 8 jir anigana ma awoodo in aan taagnaado saacado badan, Laura ooyin ayaa ka imaatay oo indhihii ayaa guduutay, waxaana qariyay ilin tiro badan.

WILLIEM ayaa madaxa usalaaxay kana tirtiray ilintii waxaana uu ku yiri aduunku waa imtixaan lakiin waa hubaal qofkii sabraa oo dadaalo in uu imtixaanka uu ku guulaysankaro , waxaad ogaataa dhibta iyo farxada way is daba socdaan laakiin maanta waxaan filayaa in aad ka baxsaday nolashii adkeed .

Laura ayaa iyadoo ay ka muuqato raadkii ooyinta ayaa waxay ku tiri waan ogahay in maalin aan ka baxayno lakiin nasiibka ayaan weli CAD noo noqon oo wili kii MUGDIGA ayaan ku jirnaa aniga iyo labadayda caruur Alexandre iyo gabadhayda yar Alice.

WILLIEM: ayaa ku yiri maanta wixii ka danbeeyo waxaa idin biloowday waqtigiga wanaagiisa iyo nolosha farxadeeda.

Laura: Waa war farxad ah waxa afkaaga ka soo baxay lakiin sidee ayay ku suura galaysaa in aan nasiibka aan helno rajadaas wanaagsan

WILLIEM: waxaan wiilkaada yar ayaan kafaalo qaadayaa inta uu ka waynaayo waxaan siin doonaan xaano gaar sida wiilkyaga yar ee Javier waxayna wada aadi doonaan hal iskuul waxana wada raaci doonaan hal gaari waxayna wax ku cuni doonaan halmiis inta aan noolahay waxaan kuu baln qaadaya wiilkaada yar ee Alexandre in aan kuu wanaajiyo uuna ku noolaado nolol barwaaqo ah uuna wax barto,iskuulada ugu wanaagsana ee qaaliga iskuulada ah in uu dhigto oo ay dhigtaan dadka taajiriinta caruurtooda maantana ay noqoto maalinkii ugu danbeeysay ee nolasha mugdiga uuna u baxay nolol wanaagsan oo ka duwan tan hada uu ku jiro.

WILLIEM, ayaa u sii raaciyay adiga iyo gabadhaada waxaan din siin doona masaariif aad ku noolaataan inta aan noolahay oo dhan
Laura oo ay ka muuqadto farxad weyn ayaa umahadcelisay kuna tiri waad mahadsantahay sida dadnimada leh aad noola dhaqantay

Alexandre ayaa waxaa uu ku yiri hooyadiis hooyo aniga iyo adiga iyo walaashay kalama hari karno waa in aan meel kuwada noolaano suura gal iima ahan in aniga aan wax barasho wanaagsan iyo nolol sare helo oo adiga iyo walaashay aad ku jirtaan nolashaan adag waa in aniga aan idinkuula jiraa

Laura ayaa waxay ku tiri wiilkayga qaaliga ah ninkaan ilaah baa noo soo diray ee adiga hadii aad wax noo barato oo aad nolol wanaagsan gasho anagoo dhan waa ka faa iidi doonaa , waxay u sii raacisay furasada maalin walbo ma cado maanta wey noo cadahay ee iftiinkaan aan ka faadiino.

Alexandre: Hooyo hadii adiga ay ku qancisay in aan reerkaan la noolaado oo wax barto oo aad ku qanacsantahay waa raacayaa lakiin hooyo walaashay maxaad ku qancinkartaa
Laura sida wax udhaceen ayaan usheegayaa iyana way farxi doontaa ha ka walwelin.

WILLIEM: Waxa uu usheegay Laura in beri ay isku raacaan maxkamada ayna u soo saxiixdo wiilkooda Alexandre in uu reerka williem uu la noolaanaayo igana ka masuul yihiin , way ogolaatay waxaa beri lagu balamay maxkada horteeda in ay isugu yimaadaan si ay ugu wareejiso masuuliyadda wiilkooda qaaliga ah Alexandr sidii ayaa lagu kala tagay.

Laura iyo wiilkeeda Alexandr ayaa halkii ku soo haray arikii ayay falanqeen ka sii galeen waxay is tusiyeen hooyo ninkaan waa taajir adiga faqri ayaad tahay oo lowyer ma qabsan kartid hadii wax naga qaldamaan.

Laura ayaa waxay tiri ilaah baan walkiilanaynaa dhibna ma arkayno.

Guri yar oo ay daganaayeen ayay toos u soo aadeen waxaana guri joogtay inan isaga yar way isku soo boodeen inantii yareed waxaa loo sharxay waxa dhacay , waxay tiri waa fursad walaalkay uu wax ku noqon karo , ee hooyo u soo saxiix beri hadii uu rabo in aad ugu darto aniga laftigayga waa diyaar in aan wax barto.

Laura ayaa tiri hooyo sharciga FRANCE hal reer in ay mas uul ka noqdaan laba caruur ma ogolaanaayo waxaa uu ogolyahay oo kaliya in hal cunug ay mas uul ka noqonkaraan Laura habeenkii ma aysan seex fikir ayuu ugu dhamaaday iyo wel wel.

WILLIEM iyo reerkiisi aad ayay ugu faraxsanaayeen in ay caawinaan wiilkaan miskiinka oo ay nolol wanaagsan geliyaan waxay iyagana ka munaa qishoonayeen halkii ladejin lahaa iyo sida uu ula jaanqaadi laaha reerka cusub.

WILLIEM waxaa uu TEL kula hadlay Abukaatihiisi una sharxay wiilka yar ee uu soo arkay uu doonaayo in uu la noolaado waxaa uu weydiiyay sida sharciga ka qabo.

Abukaatihii ayaa ku yiri nooca kafaalo qaadka iyo masuuliyada waa laba nooc ee waa tee tan aad rabto.

WILLIEM ayaa ku yiri ii sharax.

Abukaatihii ayaa yiri tan hore waa qof qoyskaada aan wax xaq ah ku laheen oo yacni hadii aad dhimato xoolahada aan waxba ku laheen oo qof uu aad caawinayso oo kaliya hadii aad dhimatana caawimaas wey haraysaa.

Tan labaad waa qof qoyskaada ka tirsan oo waxa uu la xuuq noqonayaa wiilkaada adiga aad dhashay ee sidee rabtaa.

WILLIEM ayaa waxaa uu yiri waxaan rabaa in uu la mid noqdo wiilka aniga aan dhalay
Abukaataha ayaa waxaa uu kula taliyay in uun uu koriyo wax dhaxal iyo xuquuqba uu iska daayo.

WILLIEM waa uu ku adkeestay waxa ay ku balameen in uu soo diyaariyo warqadaas uuna yimaado beri maxkamada horteeda.

Abukaatihii ayaa hadalkii qaatay oo yiri waa tahay mudane beri ayaan imaanayaa maxkamada horteeda.

Markii uu waagu baryay reerkii maaskiinta ahaa waxay soo xadireen maxkamadii si ay wiilkooda uwareejiyaan uuna uga mid noqoda reerka WILLIEM……LASOCO QAYBTA 3AAD INSHA ALLAH

W/D H.A MOHAMED ADKEESTE