Maxaad dhihi laheyd xaaskaaga wax yar ka hor geeridaada! (Dhambaal)

Sullivan Ballou Wuxuu ahaa major, looyar iyo siyaasi Mareykan ah. Waxaa lagu xasuustaa warqaddan uu u qoray xaaskiisa Sarah Hunti Shumway xili ay nolashiisa ka harsantahay hal usbuuc oo qura. warqadan wax ay ka mid noqotay warqadaha ugu saameenta badan marka laga hadlayo umuuraha jaceylka.

July the 14th, 1861

Washington D.C.

Sarahdayda aadka Qaaliga iigu aheey:

Waxaa ii muuqaneysa in aynu maalmaha soo socda dhaqaaqi doono, lagaba yaabee baratiba. Maadaama aanan awoodidoonin in aan markale warqad kuu soo qoro waxaan ku qasbanahay inaan kuu soo qoro dhowr sadar oo indhahaaga soo gaaridoono xili aan ahay wax aan jirin(dhintay)

Kama shakisani kaalsooni darana kama qabo qadiyadda aan ku mashquulsanahay, dhiiranaanteyda ma aha mid joogsaneysa ama daciifeysa. Waxaan ogahay sida xadaarada Mareykanka ay ugu xirantahay guuleysashada dowladan iyo sida halyeeyadii naga horeeyey ee dhiigooda u huray dalkan ay abaal noogu leeyihiin. Waxaan rajeynayaa inaan abaalkaas gudo oo aan farxadeyda oo dhan uga dhaxbaxo si ay dowladan awoodda u hanato.

Sarah Jaceylka aan adi kuu qabo waa mid aan dhiman, Jaceylkaagu waxa uu igu xiray xarko adag oo aysan jirin wax goynkara, sidaa oo ay tahay jaceylka aan wadankan u qabo ayaa sidii dabeel xoogan oo kale iiga tanbadiyay oo i keenay goobaha dagaalka. Xusuusta dhacdooyinkii farxada badnaa ee aan adiga kugula raaxeystay ayaa maskaxdeyda ku soo uruuraya. Alle iyo adiga ayaan si qoto dheer ugu mahadcelinayaa sida aan mudada dheer ugu raaxeystay. Way adagtay inaan hilmaamo xusuustaas iyo waxa aan rajeynayo hadii allaha awooda leh ogolaado oo ah in sanadaha soo socdo aynu jaceyl ku wada noolaano oo aan agteena ka aragno wiilasheenii oo weynaaday misna noqday ragg aad loo ixtiraamo.

Kuuma cabiri karo dareenkeyga habeenkan xagaaga ah ee daggan, waxaa hareeraheyga jiifa kumanaan rag ah qaar badan oo ka mid ah waxa ay ku jiraan raaxadoodi ugu dambeysay, laga yaabee in tahay wax yar ka hor geeridooda. Qudheyda waxaan shaki ka qabaa in Geeridii ay igala soo daba xaluulaneyso gumaceeda burburintabadan.

Hadii aanan soo noqon Sarahdeeyda qaaliga aheey waligaa ha hilmaamin sida aan kuu jeclahay, sidoo kale ha iloobin in marka neefta dambeyso ay iiga bixeyso goobta dagaalka in aan ku hadaaqidoono magacaaga.

Qaladaadkeyga iska cafi iyo dhibaatooyinkii tirada badnaa ee aan kuu geestay. Alla maxaan mararka qaar ahaa doqon axmaq ah!

Alla Sarah hadii ay dad dhintay soo laabtaan oo ayaga oo aan la arag ku dulmeereestaan kuwa ay jecelyihiin waan kula joogidoonaa maalmaha iftiinka badan leh iyo habeenada mugdiga badan leh, markasta waan kula joogi doonaa, markasta waan kula joogi doonaa, neecawda qabow ee aad daanka ka dareemidoonto ogow waa neefteyda, dabeesha xanuunka leh aad arkidoonto xiliga aad macbadkaaga ku jirtana waa ruuxdeyda oo ku agmareysa.

Sarah sidii qof dhintay ha iigu barooran, iga soo qaad inaan tagay, isug, waana kulmidoonaa markale.

Sullivan.

Waxaa turjumay Wariye Axmednuur Cabdulaahi Cali

ahmednur@journalist.com