Farax Macallin oo sheegay fashil Imaaraadka ku iman doona haddii Soomaaliya ay hala arrin ku guuleysato

Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macallin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa ka hadlay muhiimadda dekadaha Soomaaliya ay u leeyihiin gobolka Geeska Afrika, iyo sida dalal badan ay dhibaato ugu noqon doonaan haddii la hormariyo.

Faarax Macallin waxa uu si gaar ah u sheegay in Imaaraadka uu lumin doono ganacsi badan haddii Soomaaliya ay dekadaheeda si wanaagsan u howl galiso.

“Dekadda Dubai waxaa sanad kasta yimaada 64 milyan oo konteenar, islamarkaana 99% ayaga ka mid ah ayaa ah kuwa usii gudba dalal kale” ayuu yiri Faarax Macallin oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

“Marka ay Soomaaliya horumariso dekadaheeda xeebaha bari, kaliya 5% alaabta xamuulka ayaa kasoo degi doona dalalka deriska ah, inta kalena waxaa qaadan doonta Soomaaliya” ayuu yiri

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob muhiim u ah marinada badda ee dunida oo idil, sidaas darteedna aysan u baahneyn in dal kale ay kula shirkowdo dekadaheeda.

Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo dhowaan Soomaaliya iyo Ethiopia ay isla-meel dhigeen in ay si wada jir ah u maal-gashtaan afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com