“Farmaajo dagaal buu kula jiray Somaliland hadeyna soo if-baxday cadawadii qarsoonayd”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa maanta ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka Gini iyo xiisada kala dhexaysa DF Somaliya.

Axmed Yaasiin ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu dagaal qarsoodiya uu kula jiro Somaliland, isla markaana uu hadda si cad u soo if-baxay dagaalkaasi.

Axmed ayaa waxa kale uu sheegay in dowlada federaalka Somaliya aysan waxba yeeli karin xiriirada ay Somaliland la leedahay caalamka, isagoona socdaalka Gini uu ku tagay Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid loo baahna oo soo kordhiyey xiriir cusub.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa arrimahaasi ka hadlay, wuxuuna yiri

“Tan iyo markii uu Farmaajo noqday Madaxweynaha Somaliya, dagaal buu kula jiray Somaliland, cadawada fog iyo xaasidnimada farmaajo ee hadda soo baxday, awalba wey inagu socotay, oo wey qarsoonayd, dharigana waxaa kulka ka keena waa dabka, markaas Farmaajo iyo Maamulkiisaba waxaa cadaawadan ka keenay waa u quudhitaan ay inoo quudhi la yihiin dawladnimadeena iyo waxaynu qabsanay”.

“Farmaajo waxba uma dhimi karo xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka, wax alaale wuxuu inaga qaadayana ma jirto hadduu Safiiro iyo Madaxweynayaalba iskugu yeedho isaga ayey nusqaan iyo karaamo daro ku tahay”.

Wuxuuna intaas ku sii daray “Xidhiidhka aynu la yeelanay Gini  waa mid inoo soo kordhay, Socdaalka Madaxweynahana waa mid loo baahnaa,  waana in albaab kasta oo danteenu ku jirto garacnaa oo aqoonsigeena cid kasta iyo dal kastaba u soo bandhignaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com