Ra’iisul wasaare Khayre oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow safar dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Xildhibaano, Wasiiro, mas’uuliyiinka tirsan Galmudug iyo boqolaal dadweyne ah.

Khayre ayaa fagaare la’isugu keenay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo goor dhow kula hadli doono halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaruhu kulamo gaar gaar ah uu ka bilaabo gudaha magaaladaasi.

Kulamadan ayaa intooda badan diirada lagu saari doonaa dhibaatooyinka amni ee ka jira magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan nabad galyada gobolka Mudug.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa safarkan uga soo ambabaxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgauud, isagoo aan la kulmin waxgaradka magaaladaasi.

Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay ka biyo diideen kulanka Khayre, waxaana ay ku eedeeyeen inuu uga baxay ballama uu horay ula galay.

Arrintan ayaa salka ku heysa muranka weli ka taagan halka lagu qabanayo doorashada iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug oo dowladda federaalku iclaamisay in labaduba ay ka dhacayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com