Farmaajo iyo Jawaari ma badbaadiyeen sumcadda iyo sharafka barlamaanka?

25 maalmood kadib Mooshinkii G. Jawaari oo keenay wel wel Siyaasadeed iyo Cabsi amni ayuu is casilay Gudoomiye Jawari, kadib markii uu ku qanciyey M. Farmaajo in uu is casilo si loo badbaadiyo magaca, sumcada iyo sharafka Golaha Shacabka oo khatar gashay, markii ay u kala jabeen laba garab, kuna heshiin waayeen Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka u yaal Golaha, lagana cabsaday in ay gacmaha isula tagaan ama dhiig daata gaarto arintu, markii laba qoraal oo hanjabaad ku jirto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha, kadibna hub lala galay xarunta Golaha Xildhibaanada qaarna ku hanjabeen in loo noqon-doono 1990 kii.

Sanadkii 2000 kadib waxaa nasoo maray Qalalaase Siyaasadeed oo gilgilay Ha’adaha dawladda iyo Madaxdii ugu sareysay dalka sida; Madaxweyne, Gudoomiye Barlamaan iyo R/wasaare:

1-Qaar waa is casiley iyaga oo u turay dadka iyo dalka markii ay la kulmeen culeys dibadda ama gudaha ama labadaba sidii M. Cabdulahi yusuf iyo RW Farmaajo.

2-Qaarna Barlamaanka ayaa riday si nabad ah ama buuq ah, si sharci ah ama sharci darro ah, si fara gelin ah ama khilaaf gudaha ah sida; Cadalla Deerow AUN ilaa Cabdiweli Sh. Axmed.

3-Qaar waa aqbaleen in la riday sida; Cali Khaliif, Qaarna ma aqbalin sida: Shariif Xasan.

4-Qaar waxey dhameysteen iyaga oo dhaawac Siyaasadeed qaba ama Mooshin ka yaal ama heshiis ku dhameystay dibna aan loo dooran sida; Cabdi-qaasim, Sh. Shariif, Aadan Madoobe iyo Xasan Sheakh.

5-Qofka kaliya ee nabad iyo buuq la’aan ku dhammeystay dibna loo doortay wuxuu ahaa Gudoomiye Jawaari oo 6 sano gaaray.

Hadaba Siyaasadda “nin qaldaahu ma saxo wareeg kale mooyee” Taariikhda iyo dadkuna ma cafiyaan Siyaasigii eed ka gala ” Libaax nin ganay iyo kii galaday kala og”.

Waxaa Mahad celin iyo Bogaadin mudan Gudoomiye Jawaari oo u turay waxna u reebay Sharafta, Magaca iyo Karaamada Golaha Shacabka iyo dadka ay matalaan oo wel wel iyo cabsi qabay 25 kii cisho ee la soo dhaafay.

Sidoo kale waxaa Ammaan, Qadarin iyo Bogaadin Mudan Madaxweyne Farmaajo oo dhexda u xirtay dadaal dheerna u galay in la badbaadiyo Sharafta iyo Magaca Golaha Shacabka iyaga oo aan ceeboobin, dhiigna ku daadan in uu dhameeyo arinta iyo in uusan fursad siinin fara gelin Shisheeye iyo Xaaja dhaqameed dhaqan.

Waxaan rajeynaynaa in dhacdooyinkaan iyo kuwii ka horeeyey wax laga barto, lana gaaro bisayl siyaasadeed iyo isku tashi, meeshana laga saaro khilaafkii iyo kala aragti duwanaantii nasoo martay, lana qaato “xalay-dhalay” Madaxdana la siiyo waqti iyo fursad ay ku xallin karaan mushkilada-hayna iyo baahiyadeyna.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)