Jawaari oo 3 tallo usoo jeediyay Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Ex Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ uu tallooyin u jeediyay Madaxweynaha dalka iyo Ra’isul wasaaraha xili ay kuwada kulmeen Villa Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in tallooyinka uu Jawaari u jeediyay labada mas’uul ay yihiin kuwo salka ku haya wada shaqeynta ka dhexeysa baarlamaanka iyo Xukuumada.

Jawaari ayaa la xaqiijiyay in tallooyinkiisa uu ku jaangooyay wadciga uu iminka ku jiro baarlamaanka iyo sida dib loogu soo celin lahaa halkii uu taagnaa Mooshinka khilaafka dhaliyay ka hor.

Tallooyinka uu Jawaari u jeediyay Farmaajo iyo Kheyre ayaa kala ah:

1-In laga shaqeeyo sida sharciga loogu kala saari lahaa baarlamaanka iyo Xukuumada oo u muuqda kuwo sanadahaani isku adeegsanaayay awoodo.

2-Inaan Xildhibaanada baarlamaanka lagu faragalin shaqooyinkooda rasmiga ah, maadaama uu meesha ka baxay, isla markaana ay jiraan Xildhibaano ay ku adkaan doonto la qabsiga maamulka cusub.

3-Inaan awoodo loo adeegsan Xildhibaanada waa haddii ay keenaan Mooshino, waxa uuna taa ku micneeyay in Mooshinka uu yahay Hubka kaliya oo ay isticmaalan Xildhibaanada, kaa oo lagu toosinaayo khaladaadka ay tabayaan Xildhibaanada.

Jawaari ayaa sidoo kale, labada mas’uul ee xiligaan ugu sareysa dalka ku dhiirigaliyay inay isku dayaan in wada shaqeyn dhaw ay la yeeshaan Xildhibaanada si looga badbaado is qabqabsi iyo Khilaaf Siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, tallo soo jeedinta Jawaari ayaa u muuqaneysa mid jawi degan loogu abuurayo Xildhibaanada kasoo horjeeday Mooshinka ee uu ka tagay Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com