5 arrin oo laga baran karo is-casilaaddii guddoomiye Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyay wararkeenii hore waxaa xilka afhayeenimo ee baarlamaanka Somalia iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo hayay xilkaasi.

Jawaari ayaa inta uusan iska casilin xilka dagaal Siyaasadeed la galay Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre.

Jawaari ayaa dagaal Siyaasadeedkaasi ka damacsanaa inuu kusii dheereysto wakhtiga, isagoo sameystay Xildhibaano ku xulufo aheyd kuwaa oo kula midoobay badbaadintiisa.

Jawaari ayaa rumeysnaa in dagaal Siyaasadeedka uu galay uu kaga guuleysan karay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, hase ahaatee waxaa mar qura is rogay Siyaasadii lala dheelayay Jawaari iyo garabkiisa, taa oo markii danbe ku biya shubatay in Jawaari uu galo qalqal Siyaasadeed iyo gorgortan.

Is casilaada Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa laga barankaraa 4 arrimood oo kala ah:-

1-In weli ay jirto awooda Beesha caalamka iyo faragalinta, waxaana xusid mudan in is casilaada Jawaari ay kaalin weyn ka qaaten wakiilo ka socday beesha caalamka.

2-In sareynta sharciga uu saldhig u yahay fashilinta awood waliba oo uu isku dayo inuu adeegsado mas’uul ka tirsan dowlada ama xil ka haya.

3-Biseyl iyo tanaasul ka dhaqan galay Somalia, wixii ka danbeeyay awoodaha dowlada Federaalka ee kusii baahaya dalka.

4-Riyooyinka shaqsiyadeed oo aan u hakan Karin sharciyada iyo kala danbeynta dowladnimada iyo in mar waliba ay awooda tahay mid ku danbeysa dhanka uu taabacsan yahay Madaxweynaha dalka.

5-Inay adkaan doonto in mar kale lagu dhiirado Mooshinka ka dhan ah Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha maadaama Mooshinkaan uu daba dheeraaday isla markaana caqabadooyin badan u abuuray dalka baarlamaanka iyo Xukuumada.

Jawaari oo himiladiisu aheyd inuu laalo Mooshinkii ka yaalay baarlamaanka ayaa waxaa hirgalintiisa dadaal dheer u galay Xildhibaano isbaheystay, kuwaa oo ugu danbeyntii dhaqan galiyay riyadooda.

Dadka ka faalooda arrimaha Siyaasada ayaa qaba in Ex Guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay ku imaaday Cadaadis la saaray saacadihii ugu danbeeyay, balse uu doonaayay inuu kusii raago.

Waxa ay taa bedelkeeda sheegen inuu ku saxnaa is casilaada maadaama saacado un ka hor xiliga lagu balansanaa qaadista codka Mooshinka laga il duufsaday inta badan Xildhibaanadii taabacsanaa.

Si kastaba ha ahaatee, dadka qaar ayaa qaba in Mooshinkaan uu gabagabo u ahaa Mooshin mar kale ka imaada dhanka baarlamaanka maadaama uu kan Jawaari reebay raadad ‘’shido Siyaasadeed ah’’.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com