Shirkada DP world ee Imaaraadka oo fariin hanjabaada u dirtay dowlada Djibouti

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday maamulka shirkadda DP world ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta ayaa waxaa lagu sheegay in shirkadu ay jawaabo adag ka bixin doonto go’aankii ay kusoo erisay dowlada Djibouti.

Maamulka shirkada DP world ayaa sheegay in shirkadu ay qaadeyso talaabo waliba oo ku haboon go’aanka ay dowlada Djibouti kaga soo saartay mashruucii ay kawaday Dekadeeda.

Warbixinta maamulka Shirkada oo lagu baahiyay wargayska ka faalooda arimha istaraatiijiyadda Dekadaha ayaa waxaa lagu dhaliilay hanaanka loo maray eryinta ay Djibouti ku sameysay shirkada.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in dowlada Djibouti ay ka weecatay sharciyada Dekadaha, hase ahaatee ay taasi u horseedi doonto dhibaato hor leh oo ku timaada shaqada Dekadda.

Warbixinta oo lagu soo qaatay Agaasimaha shirkada DP world ayaa waxa uu uga digay Jabuuti in Dekadda Doorale ay ka shaqo badato Dekadaha kale ay gacanta ku heyso DP World oo laga leeyahay Imaaraadka.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in dowlada Djibouti ay caqabad kala kulmi doonto haddii Dekadda Doorale ay kasoo saarto dhaqaale kabadan tii horay looga soo saari jiray.

Sharikadda Maamusha Dekadaha ee DP World ayaa uga digtay Dowladda Jabuuti in Dekadda Dooraale ay ku wareejiso sharikad kale inta uu shaqeynayo heshiiska ay DP World iyo Dowladda Jabuuti wada galeen, sida lagu sheegay warbixinta.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay warbixinta haddii tallaabadaas ay ku dhaqaaqdo Dowladda Jabuuti ay iyaduna xaq u yeelan doonto shirkada in ay dacweyso islamarkaana sheegto bur bur hantiyadeed in loo geystay.

Si kastaba ha ahaatee,DP world ayaa waxaa dalka Djibouti looga eryay sababo la xiriira musuq-maasuq dhaqaale, ku tagrifal awooda Qaranka Jabuuti iyo isticmaalka awoodo aan caadi aheyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com