Ciidamada NISA oo xiray waddooyin hor leh oo ku yaala magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka dowlada Federaalka ay xireen waddooyin hor leh oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo wata gaadiidka waaweyn ee wiishashka leh, cagafcagaf iyo dhagxaan waaweyn ayaa xiray waddooyin dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho kuwaa oo horay ay u isticmaali jireen gaadiidka iyo dadka shacabka ah.

Ciidamadan ayaa xirista waddooyinka bilaabay Saqdii dhexe ee xalay, waxa ayna iminka xireen waddooyin saaran wadada Warshadaha oo lagu jaray dhagaxyo waaweyn oo la mid ah kuwa lagu xiray wadooyinka jidcadayaasha ah ee magalada Muqdisho.

Ciidamada xiray waddooyinka cusub ayaa ah kuwo gudaha asbuucan laga raray isgoosyada magaalada Muqdisho, waxa ayna hoostagaan Hay’adda Nabadsugida Qaranka.

Ciidamada NISA ayaa faarujiyay dhammaan barihii koontarool oo ay ku lahaayen isgoosyada Gobolka Banaadir, waxaana la geeyay daafaha magaalada Muqdisho.

Ma cadda sababta ka danbeysay in ciidamada NISA laga raro dhammaan koontaroolada ay ku lahaayen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com