Maxaa ka jira in Cawad uu raali galin ka bixiyay dhinac ka ahaanshiyihii mooshinka Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia, ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad uu raali galin ka bixiyay dhinaca uu ka noqaday BFS.

Ilo wareedka aan xogtaan ka helnay ayaa sheegaya in Cawad uu Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre uu u jeediyay raali galinta.

Raali galinta uu bixiyay Mahad Cawad ayaa ka danbeysay kadib markii uu garwaaqsaday inuu dhinac ka noqday Khilaafka baarlamaanka.

Mahad Cawad, ayaa la xaqiijiyay inuu qirtay la safashada garabka Ex Guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, hase ahaatee uu wakhti danbe kusoo bararugay sida ay waxyihiin.

Cawad ayaa raali galintaan bixiyay xili ay wada kulmeen madaxda ugu sareysa dalka, waana qeyb kamid ah in Jawaari uu ku dhiirado is casilaada, maadaama uu waayay garabkii uu ka heystay Cawad iyo Xildhibaanada.

Gabi ahaan baarlamaanka ayaa kula qeybsamay khilaafka Mooshinka, waxaana xusid mudan in dhammaan xubnaha baarlamaanka ay la kala safteen Xukuumada iyo Jawaari.

Ma cadda sababta keenta in madaxda Soomaalida ay dhinac ka noqdaan xiisadaha Siyaasadeed ee dalka ka jira, halka laga filaayay inay dhex dhexaad ka noqdaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com