FARMAAJO iyo Kheyre oo billaabay qorshe lagu kala geynayo beelaha Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay wadaan wakiilo ka socda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana lala yeelanayaa qaar kamid ah beelaha daga Galmudug.

Caasimada Online ayaa ogaatay in kulamadaan lagu doonayo in odayaasha degaanka iyo siyaasiinta ay ka soo horjeestaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo hogaamiyaasha maamulkii Ahlu-Sunna ee dhowaan ku biiray Galmudug.

Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr jeer kulamo aan loo dhameyn oo lala qaatay siyaasiinta iyo odayaasha Galmudug, waxaana kulamadaasi hormuud u ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka iyo xubno Golaha Wasiirada ka tirsan.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in odayaasha loo ballan qaaday adduun lacageed islamarkaana laga dalbanayo in ay ku dhawaaqaan in uu dhamaaday Waqtiga Madaxweyne Xaaf dowladda Soomaaliyana ay kala shaqayn doonaan sidii ay doorasho uga dhici laheyd Galmudug.

Villa Soomaaliya waxay dadaal adag ugu jirtaa sidii ay doorasho uga qaban laheyd dhamaadka sanadkaan degaanada Galmudug, balse waxay wajaheysaa caqabado badan oo uga imaanaya Xubnaha Xildhibaanada ah ee Galmudug iyo siyaasiinta degaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa arrinta Galmudug u maraya Xildhibaano ay isku heyb yihiin, Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa iyo siyaasiin la dhacsan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in odayaal badan iyo siyaasiin loo balan qaaday xilal muhiim ah oo laga siin doono dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug halka qaar kalane loo balan qaaday malaayiin lacag ah hadii ay soo afjaraan khalalaasaha Galmudug.

Lama oga sida ay ku dhamaan doonto xaaladda Galmudug, hase yeeshee waxaa muuqata in uu jiro is jiid jiid iyo kala jiidasho ka bilaabatay dhinaca dhaqanka oo hadda ka madaxbanaan khilaafka Galmudug. Hadii ay dhaqanka ku biiraan xiisadda Galmudug waxaa laga cabsi qabaa in dhibaatada Galmudug isu rogto dagaalo Sokeeye oo aan laga soo kaban maadaama ay degaanka dagaan beelo lagu tiriyo dadka mayalka adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com