Digniin laga bixiyey halis ka dhalan karta aamusnaanta Farmaajo iyo R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud, ayaa ka hadlay go’aanadii ugu dambeeyay ee dowladda Kenya ay ka qaadatay Soomaaliya iyo aamusnaanta madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa sii xoogeysanayay go’aanada kala duwan ee dowladda Kenya ka qaadaneysay dowladda Soomaaliya iyo ka bixitaankii heshiiskii horey ay labada dal u kala saxiideen ee ahaa duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya oo ka aamusan xaaladda siyaasadeed ee sii cakirantay inay keeneyno niyad jab weyn oo ku dhaca Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in madaxda looga baahan yahay inay ka hadlaan culeesyada soo kordhay.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa dhawaan qoraal kasoo baxay wuxuu u muuqday mid aysan si toos ah kaga jawaabeynin go’aanada waaweyn ee ay qaadaneysay dowladda Kenya, oo ay ugu horeyso ceyrintii Safiir Tarsan.

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in mar walba tallaabooyinka loo qaado xaalada Siyaasadeed ee dalka ay ka dhiidhiyaan Shacabka Soomaaliyeed oo sameeyo banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan, balse ay weli la’yihiin Madax garab ku siisa, sida uu hadalka u dhigay.

Kenya iyo Ethiopia ayaa walaac badan ku abuuray Shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay qaadeen talaabooyin ka careysiinaya Soomaalida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xasuustaa sida uu ula kaftamo madaxda dowlad goboleedyada marka ay arrimo badan isku qabteen, balse wali kuma uusan kaftamin xaaladaha iyo go’aanada dalalka deriska ah ee ka dhanka ah Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com