Farmaajo iyo Laftagareen oo ka wada hadlay in la billaabo qabashada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay madaweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Madaweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen ayaa yeeshay wada-hadallo gaar ah oo saacado badan qaatay, kuwaas oo looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu kala hadlay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed sidii deg deg loo qaban lahaa doorashada aqalka sare, si loo dhaqan-geliyo jadwalkii dhowaan ka soo baxay guddiga weli lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa intaasi ku sii daraya in kulamadan uu ku soo biiri doono madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta ku soo jeeda magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiro sidii loo qaban lahaa doorashada Aqalka Sare, si ay u dhaqna gasho jadwalka uu soo saaray Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaalka.

Koonfur Galbeed ayaa qorshuhu yahay inay noqoto maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada aqalka sare, si loo dadajiyo doorashada oo uu weli muran ka taagan yahay.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu weli halkiisii yahay khilaafkaka taagan doorashada oo ay walaac xoogan ka muujinayaan midowga musharraxiinta.